Arrin ay dadka shacabka ihi aad dhibsadeen oo caawa ka taagan Muqdisho + Sawirro

0

(Muqdisho) 30 Juun 2021 – Waxaa caawa lagu jiraa maalinta ugu dambaysa Todobaadka Xorriyadda Somalia, iyadoo caawa loo dabaaldegayo 1-da Luulyo oo ah Xorriyaddii Koonfurta iyo Midowgii labada gobol ee Somalia.

Yeelkeede, waxaa caawa Muqdisho ka jirta arrin aysan dadwaynuhu ku farxin oo ah in jidadka muhimka ah qaarkood loo xirey dad madax ah, iyadoo ay taasi xumaysay isu socodkii gaadiidka oo ay dadka qaarkood xitaa xaafadohoodii aadi la’yihiin.

”Dowladeena Allaha garadsiiyo xaqa ay bulshadeeda ay ku leeyihiin, habeen wado la iska xiranaayo, oo aadan heleynin meel aad u dhaqaaqdid oo aad gurigaaga u aadid,” ayay ku calaacashay Farxiye Khayrre oo ka mid ah dadka jidadka ku xayiran.

Waxay sheegtay in ciidanka jidka taagani aysan dadka ula dhaqmaynin si dhimrin iyo faham lagu dheehay, iyagoo diidaya in horay loo socdo ama xitaa dib loo noqdo, dadkana ku khasbaya in haddii ay horay u socdaan ay lugeeyaan.

”Ugu yaraan waxay aheyd in shacabka la ogeysiiyo in la xiraayo saacadaas iyo saacadaad wadooyinka si guryaha loogu sugnaado.” ayay ku qaylisay Farxiyo oo Ciidanka DF ku eedaysay cagajuglayn iyo handadaad.

Hadalsame Media