Dal NATO ka tirsan oo markii ugu horreeysey dhoollatus uga qayb galay hub casri ah oo Turki-samee ah

0

(Black Sea) 30 Juun 2021 – Daroonka Turkey-sameega ah ee Bayraktar TB2 (Tactical Block 2) oo ku hubaysan rasaas iyo gantaalo ”smart” ah oo ay samaysay shirkadda iyana Turkiga ah ee Roketsan, ayaa markii ugu horreeysey waxaa dhoollatus ciidan uga qayb galay dal ka tirsan NATO.

Agabkan ciidan ayaa lagu arkay dhoollatuska Sea Breeze 2021 ee ay samaynayaan dalalka Maraykanka iyo Ukraine oo ay wehliyaan ilaa 30 dal oo uu Turkigu ku jiro, kaasoo ka dhacaya badda Black Sea, iyadoo ay Roketsan ay samayso rasaasta iyo gantaalaha MAM ee casriga ah.

Ciidamada Lugta Ukraine ayaa haysta dayuuradahan ay Baykar samayso ee Bayraktar TB2, balse waxaa sanadkan hal set oo kale laga iibinayaa Ciidanka Badda dalkaasi, kuwaasoo u adeegsan doona roondada badaha Black Sea iyo Sea of Azov.

Admiral Oleksiy Neizhpapa, oo ah Taliyaha Ciidanka Badda Ukraine, ayaa sheegay in sida dunida kale ay doonayaan inay daroonnada aan duuliyaha lahayn ay ku hubeeyaan laamaha kala duwan ee ciidankooda qalabka sida.

Dhoollatuska Sea Breeze ayaa Isniintii bilowday isagoo ka dhacay woqooyi galbeed badda Black Sea.

Hadalsame Media