Dal reer Galbeed ah oo lagu dhaliilay qorshe uu ku tababarayo imaamyada masaajidda

0

(Berlin) 30 Juun 2021 – Waxaa dhaliil culus wajaha dalka Jarmanka oo qorshaynaya inuu bilaabo tababarro uu siinayo imaamyada masaajidda dalkaasi, iyadoo loo sheegay in imaamyada ay kaliya tababari karaan culimada Diinta Islaamku, sida lagu qoray Daily Sabah.

Jarmanka ayaa sheegay in ujeedka tababarkani uu yahay in la dhimo tirada imaamyada dibedda ka imanaya, balse jamciyado Islaam ah oo ay ugu horreeyaan kuwa Turkiga ah sida DITIB iyo Milli Görüs, ayaa sheegay inay ka qayb geli doonin casharrada German College of Islam, iyadoo ay DITIB bilowday tababar ay iyadu qabanayso.

Jarmanka ayaa howshan bilaabay bishii Maajo, iyadoo af Jarman weliba wax lagu baranayo isla markaana ay mashruuca qayb ahaan maalgelinayso DF Jarmanku, iyadoo ay dowladdu ku doodayso inay doonayso ka madax bannaanshiyaha imaamyada dibedda ka imanaya, balse dad badan ayaa qaba in ololahan lagu taxriifinayo oo lagu dhalan rogayo mabaadii’da Islaamka.

Waxaa uu qorshuhu yahay in la tababaro 20 imaam oo lab iyo dheddigba iskugu jira, waloow aysan diintu ogolayn in ay haweenku imaam ragga u noqdaan, kuwaas oo qaadanaya casharro 2-sanadood soconaya, sida uu qorayo Deutsche Welle.

Jarmanka ayaa waxaa ku nool 81 milyan oo qof wuxuuna hoy u yahay Muslimiinta 2-aad ee ugu badan Galbeedka marka laga soo tago Faransiiska.

Waloow ay ku xoogaysanayso siyaasadda Muslim nacaybka ah iyo cunsuriyadda ee ay horseedka ka yihiin kooxaha neo-Nazi-ga ah sida Xisbiga Alternative for Germany (AfD).

Hadalsame Media