Gabdhaha Muqdisho oo looga digayo arrin halis ah oo magaalada kusoo noqnoqotay!

0

(Muqdisho) 01 Luulyo 2021 – Sebt. 2020 nin ayaa kufsaday, kadibna dabaq ka soo tuuray gabar uu ballansaday. Sanadkii hore nin ayaa moobeeylkii kala tegay gabar ay makhaayad ku kulmeen.

Bil kahor waxaan halkan uga sheekeeyay nin gabar ku rakaateyn jiray sawirro ay qaawan tahay oo uu ka hayay.

Xalayna waxaan daawaday gabar ka sheekeyneysa nin jaceyl u soo bandhigtay oo taleefankii iyo dharkii arooska ka qaatay markii ay kulmeen. Kiisaska aanan ogeyn ayaana ka badan.

Dhacdooyinkaas bahalnimada ah waxay wadaagaan in ay gabdhahaas dhibbanayaasha ah ay markii hore aamineen nimanka falalkaas kula kacay.

Walaaleey Xamar jib waaye (yacbi waa buuxaa) ee taxaddar oo jooji kalsoonidaan free-ga ah ee aad qaybineyso, adkaartana afka ku haay.

Dalka ayay sidoo kale guud ahaan dhibaatooyinka gabdhuhu kusoo kordhayaan.

Waxaa Qoray: Xuseen Sabriye

Hadalsame Media