Shirka Afisyooni lagu iclaamiyey oo durba caqabado wajahaya (Khilaaf hor leh)

0

(Muqdisho) 27 Juun 2021 – Maamulka Hirshabeelle ayaa gebi ahaanba qaaddacay ka qaybgalka Shirka Afisyooni oo mar kale la sheegay in la iskugu imanayo si loo farageliyo Heshiiskii 17-ka Maajo.

“Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir berri uga furmaya Magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle.

“Dowladda Hirshabeelle maadaama aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii kasoo baxa ma noqon doonaan wax quseeya Dowladda Hirshabeelle.

“Ugu dambeyn Hirshabeelle waxa ay dhowri doontaa fulinta Heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay Magaalada Muqdisho.” Ayaa la raaciyey.

Shirkan ayaa la sheegayaa in la doonayo in wax looga bedelo heshiiskii hore sida tirada magaalooyin doorashada, tan ergada iyo cidda soo xulaysa, taasoo keeni karta diidmo iyo dood hor leh, jeer ay sii dhamaanayaan 60 maalmood oo loo asteeyey doorashada.

Hadalsame Media