Maxaa RW hore ee Britain ka raacay sawirka gadaashiisa ka muuqda xilli uu hambalyo dirayey?!!

0

(Hadalsame) 27 Juun 2021 – Sanadkii 2012 Raysal wasaarihii ingiriiska David Cameron ayaa taleefan kula xiriiray madaxweynihii xiligaa ka talinayey Mareykanka Barack Obama si uu ugu hambalyeeyo doorashadii uu ku guuleystay,

Sawirka David Cameron ayaa lagu faafiyey wargeysyada isagoo xafiiskiisa fadhiya oo taleefan ku hadlaya, gadaashiisa waxaa ka muuqatay makiinad qaxwaha sameysa oo aad qaali u ahayd qiimaheeduna ahaa £160 (160 pound)

Shacabka ingiriiska ayaa aad uga falceliyey sawirkii, Su’aalo badan ayey is weydiiyeen sida ay makiinadu ku soo gashay raysal wasaaraha, waxay is weydiiyeen inuu musuq-maasuq ku helay iyo inuu jeebkiisa ka bixiyey!

Arintii waxay gaartay xafiiska Raysal wasaare David Cameron wuxuu caddeeyey inuu mushaarkiisa ku iibsaday makiinadda wuxuu kaloo soo bandhigay waraaqdii uu ku iibsaday iyo magaca dukaankii uu ka iibsaday.

Dhacdadan casharka laga baran karaa waxa uu yahay shacabka ingiriiska in yahiin dad soo jeeda oo u diyaarsan la xisaabtanka madaxda ay doortaan ee adeegayaashooda ah ayna dareensiiyaan madaxdu in hantida ummadda ka dhaxeysa aysan ku tagri fali karin.

Fadlan, Walaal adiga oo mahadsan Share dheh, oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Mustaf Awil Hassan

Hadalsame Media