PORTUGAL VS BELGIUM: Kulankii xalay ee Talyaaniga lagu adkeeyey & kulamada caawa (Tebintii Xaaji)

0

(London) 27 Juun 2021 – Talyaaniga ayaa xalay jebiyey rikoodh 82 sano jir ah ciyaartii ay 2-1 xilliga dheeriga ah uga adkaadeen dalka Austria oo runtii Talyaaniga ku lafa adkaaday kulan la filayey inuu sahlan yahay.

Waxay ahayd ciyaar dagaal iyo herdin badnayd oo ay Austria u dhididey inaan laga dhiganin jaranjaro loogu tallaabo wareegga xiga, runtiina waa dheeleen intii tabar ah.

waxaa caawa dhacaysa ciyaartii ugu adkayd w.16ka marka ugu yaraan dhanka warqadda laga eego, marka ay Sevilla oo Spain ah ku faltaan Belgium, oo ah xulka 2-aad ee wada badiyey ilaa haatan iyo xulka Portugal oo feer iyo laad uga soo baxay guruubkii geerida oo ay kula jaal ahaayeen France iyo Germany.

Waxaa warbixintan ka diyaariyey Maxamed Xaaji

 

Hadalsame Media