Madaxwaynihii Gobolka Tigraay Debresiyom Gebremichael oo maq qura soo muuqday & halka loo malaynayo

0

(Maqalla) 23 Juun 2021 – Madaxwaynihii Gobolka Tigraay, Debresiyom Gebremichael, ayaa mar qura lagu arkay isaga oo fadhiya xafiis dayacan ah oo la filayo inuu ku yaallo meel ka tirsan buuraha Tigraay.

Ninkan ayuu Maamulkiisu isku taagey nidaamka RW Abiy Ahmed oo markaa cusbaa isagoo isku dayey dhowr tillaabo oo kharbudaad ah oo lagu wiiqayey amaanka guud ahaan dalka.

Madaxda Maamul-goboleedka iyo madaxdii sare ee Tigreega ayaa waxaa dagaal u caddaysatay DF Itoobiya bishii Nofeembar ee sanadkii tegey, kaddib markii ay ciidamada Tigreegu ay weerar ku qaadeen Taliska Woqooyiga ee Xoogga Itoobiya.

Dagaal lagu hoobtay oo ay dad badani ku dhinteen, ku barakaceen hanti badanina ay ku baxday kaddib waxaa DF u suuragashay inay qabsadaan magaalooyinka Gobolka, waloow ay weli kooxda TPLF ay duurka ku jiraan oo soo qaadaan dagaallo goos goos ah oo ku dhufoo ka dhaqaaq ah.

Waxaa sidoo kale dagaalkan ku burburay qaab-dhismeedkii TPLF iyo horseedkoodii oo qaar badani ay dagaalka ku dhinteen qaarna la qabtay. Waxaa dadka caanka ahaa ee la diley ka mid ahaa Siyuum Mesfin, Wasiir Dibadeedkii hore ee Itoobiya, ninkii calanka Amxaarada surey Madaxtooyada Somalia ee magaalada Muqdisho.

Muqdisho waxay ahayd meeshii laga tabantaabay in Tigreegu ay Itoobiya qabsadaan, iyadoo lagu bixiyey tas-hiilaad fara badan, iyadoo ay dad badani aaminsan yihiin in Tigreegu uusan weji ka samaysan Soomaalida.

Tigreega ayaa hadda dacaayado ay qaar been abuur yihiin ku wada DF Itoobiya, iyagoo ka gows haysta reer Galbeedka oo Itoobiya ku dirqinaya in ay maamulaan waxa loo yaqaan Solomonic Dynasty oo ah Amxaarada iyo Tigreega oo ay Masiixiyad qoto dheer ka urinayaan.

Yeelkeede, dadka u dhuun daloola arrimaha Itoobiya ayaa dareensan in Itoobiya ay burburi karto haddii la isku dayo in xukunka ay mar kale xoog ku yimaadaan labadaa qoowmiyadood midkood.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

HadalsameMedia