Shirka Sabtiga ee DF & Maamullada oo wax looga bedeli karo tibxihii Heshiiskii May (Laba qodob oo…)

0

(Muqdisho) 23 Juun 2021 – Waxaa la filayaa in Sabtiga uu Muqdisho ka dhaco shir ay iskugu imanayaan DF Somalia iyo madaxda Maamul-goboleedyada dalku.

Waxaa shirkaas la filayaa in lagu farageliyo tibxihii Heshiiskii 27-kii Maajo ee lagu dejiyey in dalka doorasho looga qabto muddo 60 maalmood gudohood ah.

Sida ay xogaha hoose sheegayaan waxaa tibxaha lagu wado in wax laga bedelo ka mid ah:

1 – In halkii horay loogu heshiiyey in Maamulkiiba uu 2 magaalo ku kala qabto doorashada, haatan hal magaalo lagu soo koobi doono.

2 – In ergada wax soo xulaysa iyana laga dhigo 51 ergo.

Hadalsame Media