Xilli ay 48 saacadood ka harsan yihiin Xuska Maalinta Xorriyadda & Calanka Somalia, waa sidee xaalka Jidka 26-ka Juun?!

0

(Muqdisho) 23 Juun 2021 – Waxaa ina soo haya oo ay haatan 2 maalmood oo qur ihi ka hareen Maalmaha Xorriyadda, Midnimada & Calanka Somalia oo taxan 26-ka Juun ilaa 1-da Luulyo.

Maalmahan ayaa kala ah Maalintii ay xornimada qaateen gobolladda woqooyi oo calankii koonfurta lagu sameeyey 12-kii Oktoobar 1954-kii laga taagey Hargaysa, iyo Maalintii Midowga iyo Xorriyadda gobollada koonfurta oo ku beegan 1-da Luulyo.

Haddaba, waloow ay 48 saacadood maalmahaa ka harsan yihiin misna waa sidee Jidka loogu magac daray 26-ka Juun oo ah waddo marta qalbiga Muqdisho?

Waddadan 26-ka Juun ayaa isku xirta Jidadka Shaqaalaha ilaa Kaasa Balballaare (Casa Popolare) ee magaalada Muqdisho.

Jidka ayaa jajabnaa oo aan la dayactirin muddo 3 sanadood ah, iyadoo uu weliba qashin dhex tuban yahay sida ay sheegayaan dadkii soo arkay, taasoo muujinaysa in la dayacay jid muhim ah oo mudan in la dayactiro, waana eed u taal DF iyo Maamulka Gobolkaba.

Hadalsame Media