Xukuumadda xil-gaarsiinta ah oo wadda tillaabooyin ay ku saxayso khaladaad diblomaasi ah oo ay galeen

0

(Antalya) 22 Juun 2021 – Wasiirka Dibadeedka DF Somalia, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sheegay in qorshaha haatan ee madaxda DF uu yahay in la hagaajiyo xiriirradii xumaaday 4tii sanadood ee ay xilka hayeen, mar uu waraysi siiyey barnaamijka One-on-One ee ka baxa telefishinka Turkiga ee TRT World isagoo ku sugan magaalada dalxiiska loo tago ee Antalya.

Wasiirka ayaa warkan sheegay kaddib markii wax laga waydiiyey kulankii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu 7-dii Juun xafiiskiisa kula yeeshay Danjiraha Imaaraadka Carabta, oo ah dal ay aad iskugu xumaadeen muddadii 4ta sano ahayd, kadidb markii uu faragelin ku sameeyey arrimaha gudaha Somalia, waloow aanay taasi weli meesha ka bixin.

Dalalka kale iyo hay’aadka caalamiga ah ee ay gorodda isla galeen waxaa ka mid ah Kenya oo markii hore xiriirka iyadu jartay, halka ay bishii Diseembar ee sanadkii tegey ay Somalia iyaduna mar qura jartay, waxaana kaddib markii ay Kenya xirtey hawadeeda haatan soconaya tillaabooyin lagu wanaajinayo xiriirka labada dal, iyadoo ay Antalya ku kulmeen Wasiir Dibadeedyada labada dal.

Sidoo kale, nidaamka haatan jira ayaa halis geliyey xiriirka Somalia iyo QM kaddib markii ay si hal haleel ah u eryeen Ergaygii QM, Nicholas Haysom, waxaana mar aan dheerayn ay sidoo kale diideen ergay ay soo magacaabeen Midowga Afrika, kaasoo weliba ku yimid codsi iyaga uun ka yimid.

Nidaamka hadda jira ayaa cadaadis iyo canaan badan kala kulmay dalalka caalamka, iyagoo u sheegay in tillaabooyinka ay qaadaysaa ay u muujinayaan dad qar iska tuur ah oo qaadaya go’aano ay sal-fudayd iyo faham yari ku dheehan yihiin. Tusaale, QM iyo AU aad ayay muhim ugu yihiin jiritaanka DF lafteeda.

Dadka arrimaha diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah yaqaanna ayaa dareensan in muddadii 4ta sano ahayd ay Somalia ka jirtey laba dhibaato oo murjisey xiriirka caalamiga ah ee Somalia oo uu mid yahay qof dareenkii oo lagu salaynayey xiriiradaas iyo sida ay sooyaal ahaan Somalia u wajahayso xiriirka dibedda oo cilladaysan, maadaama aysan jirin siyaasad iyo qorshe degsan oo uu raaco nidaam kasta oo yimaada, taasoo Somalia ka dhigtay dal aan lahayn dhabbe-howleed ay ku wajahdo siyaasadda dibedda.

Hadalsame Media