Turkiga oo qarka u saaran xaqiijinta fursad istaraatiji ah oo uu NATO kula gorgortami doono (Wefdi Khamiista tegaya)

0

(Ankara) 22 Juun 2021 – Wefdi farsamo yaqaanno ah oo ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa lagu wadaa in ay Khamiista soo gaaraan dalka Turkiga, si ay Ankara ugala hadlaan sugitaanka amaanka garoonka Kabul ee Hamid Karzai International Airport oo ku yaalla caasimadda Afghanistan, sida ay sheegtay WG Turkigu.

Arrintan ayaa muhiimad gaar ah yeelatay kaddib markii ay NATO sheegtay inay ka baxayso Afghanistan, waxaana aragtida ah inay halkaa sii joogaan ciidamada Turkiga oo NATO ka tirsan looga hadlay kulankii Brussels ka dhacay todobaadkii tegey.

Waxaa sidoo kale la iskula gorfeeyey shir-doceed ay yeesheen Madaxwaynayaasha Turkiga iyo Maraykanka, Recep Tayyip Erdoğan iyo Joe Biden.

Wefdiga Khamiista Ankara tegeya ayaa arrintan la jeex jeexi doona saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, iyadoo xaaladda loo eegi doono si aad u faahfaahsan oo daqiiq ah.

Ciidamad Turkiga ayaa ku sugnaa garoonka Kabul Hamid Karzai International Airport, muddo 6 sanadood ah, iyagoo qayb ka ahaa barnaamijka NATO Resolute Support Mission.

Turkiga ayaa u baahan inay xaqiijiyaan taageero caalami ah oo ay ugu horreeyso tan Maraykanku, kahor inta aanay go’aansan inay sii joogayaan garoonka.

Arrintan ayaa sidoo kale Turkiga u noqonaysa mudnaan istaraatiji ah oo uu kula gorgortami karo dalalka NATO oo uu hagar badan ku tuhmayo.

Hadalsame Media