Tillaabooyinka xiga ee la qaadayo kaddib dhicitaankii Xukuumadda Sweden & sida ay iskugu xigaan

0

(Stockholm) 22 Juun 2021 – Waxaa dhacday Xumuumaddii Sweden ee uu hoggaaminayey RW Stefan Löfven oo ka tirsan Xisbiga Social Demokraterna, kaddibna markii looga codeeyey 181 cod oo kalsoonida kala laabtay. 91 ayaa isaga u codaysay, 51 waa ka aamuseen, 8 xildhibaanna waa maqnaayeen.

Waa markii ugu horreeysey taariikhda dimoqraadiyadda 100-jirka ah ee Sweden ee qaabkan loo rido xukuumad Swedish ah, iyadoo eersatay ogolaanshiyaha in sharikaadka guryaha laga kiraystaa ay markii ay doonaan dallici karaan kirada guryaha.

MAXAA U XIGA SWEDEN? Tillaabada ugu horreeysa waa in RW la ridey ee Lövfen oo haysta fursad todobaad ah oo uu kusoo dhiso dowlad cusub oo mar kale u baahan doonta codka Baarlamanka.

Tan xigta, waa in howsha lagu wareejiyo Guddoomiyaha Baarlamanka oo soo xuli doona RW soo dhisa Xukuumad KMG ah, isagoo 4 jeer haysta haddii laga diidana waxaa khasab noqonaysa in la qabto doorasho deg deg ah oo ku dhacda 3 bilood gudohood, bisha Sebtembar.

RW dhacay ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ka sheegay inuu maaggan yahay inuu la xaajoodo xisbiyadii uu ologga la ahaa ee uu kula jirey Heshiiskii Jannaayo, waxaana xisbiyadaas ku jira Vänsterpartiet oo ah midka keenay doodda lagu ridey Xukuumadda ee fasax siinta in sharikaadku ay kiradii ay doonaan ay u cayimi karaan guryaha cusub ee ay dhisaan, taasoo xal u baahan doonta kahor inta aan wax heshiis ah la gaarin.

Dhibaatada kale oo jirta waxay tahay, in xisbiyada Xukuumadda ridey aysan lahayn aragti siyaasadeed oo ka dhaxaysa, balse ay kaliya isu bahaysteen ridista xukuumadda, waayo xisbiyada midigta ah ee Xukuumadda wax ka ridey dulucda sababta loo ridey Xukuumadda ee kiradu maba aha arrin ay iyagu daneeyaan.

Sidoo kale, asxaabta yar yar ayaa iyaguna ka cabsanaya in haddii doorasho deg deg ah loo dareero ay ka hoos maraan xadka qoondada lagu galo Baarlamanka Riksdag, taasoo keeni karta in ay bannaanka uga baxaan, taasina waxay sahli kartaa in markale la dhiso xukuumad wadaag ah.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media