Sweden oo uu ka dhacay ”dhul-gariir” siyaasadeed aan abid horay loogu arag (Xasarad siyaasadeed & xisbi laga cabsanayey oo guulaysan kara)

0

(Stockholm) 21 Juun 2021 – Waxaa dhacday Xumuumaddii Sweden ee uu hoggaaminayey RW Stefan Löfven oo ka tirsan Xisbiga Social Demokraterna, kaddibna markii looga codeeyey 181 cod oo kalsoonida kala laabtay. 91 ayaa isaga u codaysay, 51 waa ka aamuseen, 8 xildhibaanna waa maqnaayeen.

Waa markii ugu horreeysey taariikhda dimoqraadiyadda 100-jirka ah ee Sweden ee qaabkan loo rido xukuumad Swedish ah, iyadoo eersatay ogolaanshiyaha in sharikaadka guryaha laga kiraystaa ay markii ay doonaan dallici karaan kirada guryaha.

Nooshi Dadgostar oo ka tirsan Xisbiga bidixda fog ee VänsterPartiet oo kahor inta aan la codaynin wax yar kahor in rakada laga hadlo istaagtey iyada oo kalsooni badan muujinaysa tiri:

”Ma aha Xisbiga VänsterPartiet aanu ahayn midka ka dal doorsaday Social Demokraterna, balse ay iyagu (Social Demokraterna) yihiin cidda ka dal doorsatay Xisbiga V iyo dadwaynaha Sweden.”

Yeelkeede, Annelie Karlsson oo ah madaxa Xildhibaannada S ee ku jira Baarlamanka ayaan la dhicin sababaynta Nooshi, iyadoo ku doodday in Xisbiga V oo bidix fog ah ay ceeb ku tahay inay isbahaysi aan ”barakaysnayn” ay la galaan xisbiyo aysan isku siyaasad ahayn oo midig ah, si xukuumadda loo rido.

Hoggaamiyaha Xisbiga Midigta Fog ee cunsuriga ah, Jimmie Åkesson (SD), ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay dhicitaanka dowladdii bidixda ahayd. ”Waxaan markii ugu horreeysey muujinnay inaan guulaysan karno.” ayuu ku faanay.

Sweden ayaa sidan ku gashay xasarad siyaasadeed oo naadir ah.

Codaynta kaddib, xisbiyadii isbahaysanayey ee Socialdemokraterna, Liberalerna iyo Vänsterpartiet ayaa ku baaqay shir jaraa’id.

Hadalsame Media