”Waa seefta aastada ah ee dalkeenna!” – Turkiga oo samaystay gantaal markab dile ah oo ka fiican mid uu Maraykanka ka iibsan jirey (Daawo)

0

(Ankara) 21 Juun 2021 – Turkiga ayaa guul wayn ku tillaabsaday kaddib markii uu tijaabiyey gantaal markab dile ah oo uu isagu si maxalli ah u sameeyey.

Ma aha markii 1-aad ee ay tijaabadani dhacdo, balse si ka duwan tijaabooyinkii hore, gantaalkan riddada fog ee Atmaca wuxuu markan si toos ah ugu dhacay bartilmaameedkii loo asteeyey, sida ka muuqata video uu xitaa faafiyey MW Recep Tayyip Erdoğan iyo saraakiil kale oo Turkish ah.

“Gantaalka Atmaca, seefta aastada ah ee dalkeenna, ayaa maanta ku dhacay markab bartilmaameed ah markii ugu horreeysey, kahor inta aan la siinin ciidamadeenna,” ayuu Erdoğan kusoo qorar Twitter.

Waxaa muuqaalka laga arkayaa gantaalka oo god wayn ka qoday docda markabka, iyadoo gantaalka laga soo ganay markabka dagaalka ee TCG Kınalıada, waxaana meesha ay tijaabadani ka dhacday oo ah gobolka dhaca Badda Black Sea ee Sinop joogey Wasiirka Gaashaandhigga, Hulusi Akar oo ay wehliyaan saraakiil sare oo ciidamada ah.

MUUQAALLADIISA – Atmaca waa gantaal uu shiishkiisu aad u saxan yahay oo oogo ka oogo ah, isagoo ay qaadan karaan doonyaha ilaalada xeebaha iyo maraakiibta heerka dhexe ee frigate-ka iyo corvette-ka.

Ciidamada Badda Turkiga ayaa haatan adeegsada gantaalka Maraykan sameega ah ee Harpoon, kaasoo ah midka uu dhaxlayo Atmaca oo leh muuqaallo ka heer sarreeya isaga.

Wuxuu gaarayaa masaafo dhan 200 km (124 mayl), waloow uu tijaabada ku muujiyey inuu gaari karo ilaa 2590 km.

Wuxuu sidoo kale awood u leeyahay inuu wax ka bedelo bartilmaameed horaadkiisa, iyadoo haddii loo baahdo laga wareejin karo meeshii markii hore lagu shiishey, amaba gebi ahaanba la kansali karo duqayntii loo adeegsanayey (aborting missions), iyadoo toos amar loo siinayo gantaalka.

Maadaama uu adeegsanayo hannaanka 3D oo la hormariyey, waxaa laga leexin karaa jasiiradaha, wuxuun marka la rido karaar qaadanayaa marka uu badda ka kaco 5 mitir ama 26 cagood kaddib.

Gantaalkan oo howshiisa la bilaabay 11 sanadood kahor 2009-kii, ayaa waxaa ku howllan hay’adda Roketsan, iyadoo tan iyo Nofeembar 2016-kii tijaabo lagu wadey kuwaasoo guud ahaan gaaraya 20 tijaabo.

 

Hadalsame Media