”Waxaaba dhici karta in madax furasho loo haysto!” – Aragtiyo waalli ah oo kasoo baxaya sababta ay usoo laaban la’yihiin Ciidanka Eritrea jooga (Daawo)

0
MOGADISHU, SOMALIA - NOVEMBER 28: Newly graduated Somalian soldiers display their skills at the graduation ceremony after receiving training period from Turkish military training academy, Somali Turkish Task Force Command, in Mogadishu, Somalia on November 28, 2019. Newly graduate 363 Somalian soldiers took their diplomas. (Photo by Sadak Mohamed/Anadolu Agency via Getty Images)

(Muqdisho) 21 Juun 2021 – Waxaa weli dood aan la xallini ka joogtaa arrinta ciidamada tababarka loo geeyey Eritrea oo ah dhallinyaro la fahamsan yahay in xulistooda aan loo marin hab-raac sax ah, isla markaana sida muuqata aan lagu gaarin dantii laga lahaa oo ahayd mid shakhsi ah, sida warbixinnadu caddeeyeen.

Haddaba, Wasiiru Dowlihii hore ee Madaxtooyada dalka, Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi, ayaa mar arrintan wax laga waydiiyey carrabka ku dhejiyey inay jiri karaan waxyaabo badan oo ay ka mid tahay in loo waayey sahay iyo saanad, gaadiidkii daabuli lahaa iyo xitaa in ay Eritrea oo ah dal dhaqaale ahaan baaba’san uu rahan u haysto, oo aan la siinin dhaqaale laga ballan qaaday, iyadoo wiil ka mid ah dhallinyarada halkaa la geeyey uu VOA u sheegay in ”beero lagu fasho, cunto ku filanna aan la siinin.”

“Askari dable ah in sanad iyo ka badan la hayo caqliga caadiga ah ma keenayo, waxaan aaminsan ahay inuu jiro arrin ay xalin la’ dahay dowladda hadda jirta, waqtigii loogu talo galayna dhaaftay, qorsheyaashii laga lahaana waa suurageli waayeen,” ayuu yiri Wasiiru Dowlihii hore ee Madaxtooyada oo u warramayey Goobjoog TV.

Baqdaadi ayaa tilmaamay in rajada qura ee haatan jirtaa ay tahay in laga dhur sugo Guddi xaqiiqo raadin ah oo uu magacaabay RW Maxamed Xuseen Rooble, si ay xog fiican oo ku filan u siiyaan waalidiinta walaacsan oo aan helin madax mas’uuliyadda saaran dareensan, gaar ahaan marka la eego cidda ay arrintani tooska u khuseeyso oo ah Madaxwaynaha dalka.

Arrinta dhallinyarada Eritrea loo qaaday ayaa cirka gashay kaddib markii ay soo bexeen warbixinno sheegayey in loo adeegsadey Dagaalkii Gobolka Tigraay, waloow ay haatan caddaatay in waloow ay siyaabo kale u caddiban yihiin aysan gelin dagaalkaasi.

Qaar ka mid ah dadkii loo diray soo xulista ciidamadan ayaa horay u sheegay in howshan ay wateen dad fara ku tiris ah oo aan la marsiin hannaankii caadiga ahaa ee ciidanka lagu soo xuli jirey.

Hadalsame Media