”Lacag hannagu barin ciyaartooyda!” – Xiriirka oo la xaqiijiyey inay dan u arkaan in Xulka Somalia laga badiyo (Qof Xulka raacay oo kashifay)

0

(Hadalsame) 21 Juun 2021 – MAXAA SABAB U AH GUULDAROOYINKA XULKA QARANKA?

Muddo Afar Sanno ayaa xiriirka Kubadda Cagta ka mid ahaa gaar ahaa 2006- 2010 waxaa badan oo iga qarsoonaa ayaa halkaas ku soo arkey oo sabab u ah guuldarooyinka mar kasta ku dhaca Qaranka Soomaaliya

1 – Maalin ayaa waxaa soo jeediney aniga iyo rag ka tirsan Xiriirka in dhaqaale fiican la siiyo Cayaartoyada iyo Tababarayaasha hase yeeshee waxaa madaxda Xiriirka yiraahdeen ” Ha nagu barin waxaas”.

2 – Waxaa Xulka qaranka u hogaamiyey Dalka Suudaan, waxaa Muqdisho ka baxney Cayaartoyda oo ka aradan Dharka lagu Ciyaaro iyo Kabaha waxaa Tuugsi ugu tagney Xiriirka Suudaan oo markaan baahideena u sheegney waxay noogu deeqeen Kabo, Dhar, Kubado iyo Dharkii Tababarka ku qaadan lahaayeen Cayaartoyda Ha eegin keliya Tuutaha Qurxoon ee ay sitaan Cayaartoyda

3 – Waxaa rabaa in aan Bulshada la wadaago, horta yaan la sugin in Qaranka iyo Kooxaha kale Guul ama Koob Keenaan, Guuldarada Xiriirka waa u faaiido, waayo waxaa u baaqanaya Dhaqaale badan maadama haddii ay guuleystaan ay cayaarayaan Tartamo kale, Talaabadaas sii socoshada xiriirka ma jecla.

4 – Kabtan Cabdisamad runta ayuu sheegey muddo laba sanno ah qaranka wax Tababar ah ma sameyn sidee isku fahmayaan Cayaartoyda Todobaad Tababar qaatey

5 – Waxaa kaloo Guuldarada ugu wacan iyadoo Xiriirka ay ku adag tahay in dhaqaale ku bixiyi Cayaartoyda dibadaha ka cayaara maadaama Keenistoo Xagga Tikidhada dhaqaale ku baxayaan

6 – Sidoo kale Waxaa Dalka jooga tababarayaal Khibrad leh waxaa xiriir Soo qaataa Tababarayaal Shisheeye oo Dhaqaale badan ku baxiyo si uu bulshada u yiraahdaan Xiriirka waa dadaalayaa iyadoo wax badan lagu qarinayo xaqiiqdii Tababarayaasheena aad ayey ugu liidan yihiin Xiriirka waxaa yaab leh Tababare la siinayo Sadex Boqol oo doolar halka shisheeyaha loo ogol yahay Dhowr Kun oo doolar

SIdaa darteed Xiligaan joogey Wasaarada Cayaaraha Tabar ma lahayn oo kula Xisaabtanto Xiriirka maanta Wasaarada joogtaa oo uu Wasiir Xamza madaxda ka yahay awood ayey u leedahay in ay kala diraan Xiriirka maadaama Shacabka aysan maalin waliba daawan karin Guuuldaro Joogto ah mida kale Wasaarada waxaa kula talinayaa in ay sameyso Gudi la xisaabtama Xiriirka Kubadda Cagta

Sawirka waa 2009 Suudaan mar aan Fadhiyo Kursiga Keydka.

La soco qayb kale…

Waxaa Qoray: Amiin Y. Khasaaro

Hadalsame Media