GAR-QAAD: Yaa khaldan Maamulka Garoowe & ariga uu ka gurayo gudaha magaalada?

0
(Hadalsame) 21 Juun 2021 – Maamulka magaalo ka jiraa waa inuu la qabsadaa dabeecadda meesha uu ka talinayo. Sababta uu Siyaad Barre u fashilmay waxaa ugu darnayd isaga oo iska soo qaatay nidaam mulxid ah oo aan ka tarjumaynin dhaqanka iyo caqiidada umadda Soomaaliyeed, marka ay dadku falsafaddaada siyaasadeed diidanna waa adkaanaysaa inaad xukunkaaga marsiiso.
 

Waxaan ku keenay in Maamulka magaalada Garoowe uu isku deyayo inuu magaalada ka saaro riyaha, iyagoo xalay oo ugu dambeeysey magaalada ka ururinayey ariga dhex joogta.

Balse taasi dhici kari mayso! Waayo? Maxaa yeelay, xoolaha iyo dadku waxay ila noolaayeen tan iyo maalintii nolosha la amaamuday, midda kale, magaalada waxaa ku hareereeysan dad xoolo dhaqato ah, sidaa darteed, waxaa muuqaalka iyo ruuxda magaalada qaabeeynaya dadka xoolo dhaqatada ah, maamulkuna waa inuu la yimaadaa qorshe uu ku meeleeynayo hab-nololeedka dadka uu maamulayo ee ma aha inuu ku khasbo nolol mala awaal ah oo uu isagu maamiyey.

Waxaan mar aan Addis Ababa ku noolaa arki jirey xoolo goosin goosin ah oo la dhex marinayo faras-magaalaha Addis Ababa. Ogow Addis waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu diblomaasiyiinta badan Afrika, maadaama ay deggan yihiin hay’aad badan oo caalami ah, sida Midowga Afrika, QM iwm.

Balse magaaladu waxay ogtahay inaysan waxba ka bedeli karin xaqiiqada ah inay magaalada ku hareereeysan yihiin beeraleey iyo xoolo dhaqato, marka uma dhaqmi karto sidii in aanay waxaa waxba ka khuseeynin.

Garoowe waxay u baahan tahay maamul taa garta, oo tamartiisa u duwa dhinacyo kale oo ka mudan xarraaska iyo xirxiridda riyaha magaalada dhex maraya, sida inuu maalgeliyo qaabab ay dadku xoolaha u dhaqan karaan iyaga oo meelo ku xaraysan oo calafkooda halkaa lagu siinayo laguna dhex daajinayo seerooyin loogu tala galay.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media