Xiriirka Somalia ee fashilmay ayaa u baahan in lakala diro, haddaba yaa kala diri kara? (Macluumaad muhim ah)

0

(Hadalsame) 21 Juun 2021 – Waxaa biyo kulul ku jira Xiriirka K/Cagta Somalia oo noqday mid fadhiid ah oo ay fikraduhu aad ugu gaaban yihiin, isagoo si ku tala gal uga hurdey horumarkii uu samayn lahaa Xulka Qaranka Somalia oo 2-dii sanaba mar si kab kab ah la iskugu keeno, xarun degaan, mid tababar iyo miisaaniyad u degsanna aanay jirin.

Wasaaradda Ciyaaraha ee heer Dowladeed iyadu ma faragelin karto hannaanka maamul ee ciyaaraha dalka, kaliya waxay u shaqayn kartaa adeeg fududeeye, waxay kaloo sharcigu meesha soo geli karaan haddii uu dhaco dembi dalka laga galay ama lagu galay gudihiisa oo sharciga isaga waa loo siman yahay, balse cidna xil uma dhiibi karto kamana qaadi karto DF Somalia.

Dadku haddaba, waxay ku jahawareersan yihiin cidda ay tahay inay la xisaabtanto Xiriirka Somalia ee SFF, iyadoo ay dabcan jirto cid la xisaabtami karta, kalana diri darta haddii ay howshooda gudan waayaan.

Waxaa hay’addaa la yiraahdaa Guddiga Olombikada oo gadaal looga daro magaca dalka ay khuseeyso. Somalia waa Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (Somali Olympic Committee) oo ay hoos tagaan dhamaanba xiriirrada heer qaran ee ciyaaraha noocyadooda kala geddisan, Olomnikada Naafada, Golaha Qaran ee Isboortiga, Guddiga Hanti-dhowrka iyo Caddaymaha Maaliyadda iyo Miisaaniyadaha Ciyaaraha.

Guddiga Olombikadu wuxuu la soconayaa dhaqdhaqaaq kasta oo ay samaynayaan xiriirrada hoos yimaada iyadoo leh qaabab ay ula xisaabtamaan, maamul ahaan, maaliyad ahaan, howl-maalmeed ahaan, qorshe ahaan, iyo xitaa natiijo ahaan.

Tusaale, xiriir kasta waxaa looga fadhiyaa inuu gudbiyo diiwaanka maaliyadeed ee naadiyada hoos yimaada ee xirfadleeyda ah, kharashaadka soo galay iyo midka ay bixiyeen, kharashaadka xiriirka soo galay iyo sida uu u kala bixiyey iyo halka uu ku bixiyey ayaa sidoo kale bil kasta laga doonayaa, taasoo uu u dirayo Guddiga Olombikada oo isha ku haynaya hannaan wanaagga maaliyadda iyo musuq la’aanta.

Waxaa kale oo xiriirka laga doonayaa istaraatijiyado horumarineed oo meel lagu gaarsiinayo ciyaaraha dalka min heer xaafadeed, tuulo, degmo, gobol iyo qaranba, iyagoo dejinaya qaabad lagu wanaajin karo xirfadda iyo agaasinka ciyaaraha dalka min heer jiirooni ilaa janjalka ugu sarreeya.

HADDII AY XIL GUDAN WAAYAAN? Haddii uu xiriirku howlahaa iyo kuwa kale oo kasii badan ku fashilmo, wuxuu Guddiga Olombikadu xaq u leeyahay inuu kala diro xiriirka ay markaa khuseeyso, isagoo qabanaya doorasho daah-furan oo cadaalad ah, haddii doorashada iyo farsamadeeda la isku fahmi waayo amaba uu fog yahay xilliga doorashada la iclaamiyey, waxaa xiriirka loo dhiibayaa maamul KMG ah oo howsha sii wada.

Somalia ayaa haatan u baahan in tillaabo cad oo weliba deg deg ah laga qaado Xiriirka K/Cagta Somalia oo si cad uga bannaan taagan howlihii loo igmaday dhan xisaabtan, doorasho daah-furan, xisaab celin, maalgelinta ciyaaraha dalka iwm.

Dhibka Somalia ka jira wuxuu yahay, horta ma jiraa Guddigii Olombikada Somalia? Haddii uu jirana ma u jiraa si wax ku ool ah oo daah-furan, mise col waa ku dhac oo tuugo kuu ciidamisay?

Waxaa Daraasadeeyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media