Maraykanka oo Sucuudiga inta Iiraan ku cariyey meel cidlo ah uga tegey (Daafaca gantaalaha oo laga qaadayo)

0
TATOI, GREECE - JULY 30: Patriot air defence missile launchers are seen in position North of Athens at Tatoi military air base, on July 30, 2004 in Tatoi, Greece. Dozens of new PAC 3 (Patriot Advanced Capability) missiles were armed and in position at three locations around the Attica basin providing an air defence 'umbrella' over the Greek capital as part of a massive security plan to safeguard the upcoming Athens 2004 Olympic Games. (Photo by Milos Bicanski/Getty Images)

(Riyaad) 19 Juun 2021 – Maamulka Biden ayaa ilaa 8 qunux oo ah daafaca gantaalaha Patriot-ka ka qaadanaya dalalka Bariga Dhexe sida Iraq, Kuwait, Jordan iyo Saudi Arabia, sida lagu qoray Wall Street Journal maalintii shalaytoole.

Maraykanka ayaa sheegay inay sidoo kale Sucuudiga ka qaadayaan Gantaalaha Joogga Sare ee loo yaqaan Thaad, halka la dhimayo raxanta dayuuradaha guuxooda ka dheereeya ee halkaa jooga.

Tillaabadan ayaa imanaysa xilli uu Maraykanku doonayo in hoos loo dhigo xiisadda Bariga Dhexe gaar ahaan tan ku fooggan dalka Iiraan, si ay ugu jihaystaan la tacaalidda cududaha Shiinaha iyo Ruushka oo ay u arkaan halis jiritaan iyo mid istaraatiji ah.

Arrintan ayaa lagu guddoonsadey wada hadal telefoonka ku dhex maray Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka, Lloyd Austin iyo Dhaxal Sugaha Sucuudiga, Mohammed bin Salman 2-dii bishan Juun. Waa sababta ay Sucuudiga iyo Imaaraadku isugu dabcinayaan Iiraan.

Hubka uu Maraykanku qaadayo ayaa u badnaan doona midka yaalla Sucuudiga, iyadoo uu Biden horay u sheegay inuu dib u qaabayn ku samaynayo siyaasadda ay kula macaamilaan Riyaad.

Patriot-ka iyo Thaad-ka iyo kumannaan askari ayaa waxaa Sucuudiga usoo diray Donald Trump, si ay uga difaacaan weerarro Iiraan lagu eedeeyey oo ay fulinayeen kooxda Xuutigu, waloow aysan tillaabo qaadin.

Hadalsame Media