Haweenayda sawirkan ka muuqata aad bay uga culus tahay waxa la moodayo + Sawirro

0

(Adıyaman) 19 Juun 2021 – Haweenayda aad sawirka uga jeeddaan waa Madaxwaynaha naadiga Adiyaman 1954 Football Club waxayna soo jiidatey indhaha caalamka kaddib markii ay noqotay haweenaydii ugu horreeysey ee booskan oo kale haysa ee ay kooxdeedu horyaal qaaddo, iyadoo usoo dallacday Heerka 2-aad.

Haweenaydan oo 31-jir ah ayay sidoo kale hooyadeed tahay ganacsato wayn oo leh wershado cuntada gasacadaysa, waxayna kooxda Adiyaman 1954 FC hoggaaminaysey tan iyo Oktoobar.

“Xiisahayga ciyaaruhu ma ahayn mid sii jirey, balse kooxdan waxaan markii hore iskugu nimid arrimo iidheh, kaddibna sidaa ayaan ku dhex galay howlaha naadiga, waxaana markii hore la iga dhigay MW Xigeen.” ayay tiri iyadoo sheegtay in markii howsheeda loo bogey laga dhigay Madaxwayne.

Waxay intaa raacisay inay tahay qof go’aan leh isla markaana ay soo jiidatey laacibiinta, maamulka iyo xitaa taageerayaasha isla markaana ay kasoo baxday filashooyinkoodii sarreeyey.

Hadalsame Media