”Somalia waa naga yaabin kartaa!” – Wargaysyada Cumaan oo ay qaar cabsi ka muujiyeen qaarna ku digteen Somalia oo ay berri wajahayaan

0

(Dooxa) 19 Juun 2021 – Waxaa berritoole magaalada Dooxa ee dalka Qadar ku qabsoomaysa ciyaar isreebreeb ah oo loogu soo baxayo Koobka Carabta FIFA oo ah mid hadda uun la abuuray.

Waxaa ciyaartaas oo hal lug ah berri isku wajahaya dalka Somalia oo Qadar xalay ka degey iyo dalka Cumaan, iyagoo dalkaa u adeegsanaya dal dhexdhexaad ah ahaan maadaama ay ciyaartu bug-bax tahay.

Haddaba, warqaadka Cumaaniga ah ee Al Barq ayaa cinwaan uu ka qoray Xulka Somalia cabsi ka muujiyey laacibiinta Somalia.

”Xulka Somalia oo xulka qarankeenna uga yaabiyey macallin cusub iyo 21 laacib oo xirfadlayaal ah oo ka dheela Horyaallada Adduunka.” ayaa lagu qoray warqaadka.

”Cumaar waxay u baahan tahay inay ka gudubto Somalia-da hooseeysa ee dunida uga jirta 197-aad, halka Cumaan ay ku jirto kaalinta 80-aad dhanka qiimaynta FIFA.” ayaa lagu qoray wargayska Muscat Daily ee dalka Cumaan.

Somalia ayaa kulankan imanaysa iyada oo cayrisey macallin xirfaddiisa laga dayriyey, halka kulankii ugu dambeeyey ee is kululaynta ahaa ay guuldarro 1-0 ahayd kala kulantay Jabuuti.

KULAMADA KALE

Lebanon (93) vs Djibouti (183)

Jordan (95) vs South Sudan (169)

Bahrain (99) vs Kuwait (148)

Mauritania (101) vs Yemen (145)

Palestine (104) vs Comoros (131)

Libya (119) vs Sudan (123)

Hadalsame Media