Turkiga oo bilaabay dhismaha 4 markab dagaal oo uu u samaynayo dalka Pakistan

0

(Karachi) 19 Juun 2021 – Turkiga ayaa bilaabay dhismaha markabkii 4-aad ee uu u dhisayo Ciidamada Badda dalka Pakistan, iyadoo xafladda xarig jarka ah lagu qabtay magaalada koonfurta ku taalla ee Karachi.

Munaasabadda oo lagu qabtay khiirka maraakiibta Pakistan lagu dhiso ee Karachi Shipyard and Engineering Works, ayaa waxaa kasoo qayb galay Admiraalka Ciidanka Badda Pakistan, Amjad Khan Niazi, Esad Akgün, oo ka socdey shirkad ay leedahay dowladda Yurkey oo la yiraahdo ASFAT iyo saraakiil kale oo labada dal ah.

Bishii Luulyo 2018, Ciidanka Badda Pakistan Navy ayaa saxiixay qandaraas ay ku dalbadeed ilaa 4 markab dagaal oo ah nooca MILGEM ee casriga ah kuwaasoo ay dhisayso shirkadda ASFAT.

Sida lagu heshiiyey laba markab waxaa lagu dhisayaa Turkiga, labada kalena gudaha Pakistan.

Hadalsame Media