Zbigniew Brzezinski: Maskaxdii ka dambaysey dabka uu Maraykanku maanta ku ciyaarayo!

0

(Hadalsame) 18 Juun 2021 – Zbigniew Brzezinski, waa Polish-Maraykan ku dhashay Warsaw, Poland,1928-kii. Loyola High School Montreal, Canada ka bilaabay, ka dibna galay 1945-kii Jaamacadda McGill University, oo hadda jirta 200 oo sanno, ka qaatay Digrigii koowaad oo Arts ah, sidookale Master of Arts ” 1949-1950-kii”.

Havard University, Maraykanka ayuu xaadiray si uu uga qaato Shaahada PHD-da, Siyaasadda Ariimaha dibadda ayuu ku takhasusay. Macallin ayuu ahaa ama bare iyo Cilmi baari sare oo aqoonta siyaasadda ee kala duwan dersa sida ” Geopolitical” Lollan siyaasadeedka dhuleed iyo buugaagna qoray. La taliye ayuu u noqday Madaxwaynihii 36aad ee Maraykanka, Lyndon Baines Johnson, sanadihii 1966- 1968, illaa loo dhiibo shaqada saameynta, aqoonta qota dheer u baahan, ahna ta awoodda Maraykanku ku muuqanayso! Waa la taliyaha Amniga Qaranka Maraykanka.

James Earl Carter, Madaxwaynihii 39aad ee Maraykan ayaa jagadaa u magacaabay, gu’gu waa 1977-kii, Brzezinski, waxa uu kaalin mugleh kulahaa guushii Madaxwaynimo Aqalka Cad ee Carter. Dagaalkii Qaboobaa ee Soofiyeetku kula baratamayey Maraykanka ayaa meel xun mareysa, Xiriirka Shiinuhu waa ” Zero”.

Xiriirkii China iyo Maraykanka ayuu hagaajiyey ama caadiyeey. “Heshiiskii Camp David”, ee Israa’iil iyo Masar nabadda lagu kala dhex dhigayey ayuu door fiican ka qaatay, 17 September 1978-kii. “Strategic Arms Limitation Talks”, wadahalladii xaddidaadda halista ee Nukliyeerka iyo gantallada balaastikada Maraykanka u matalay, ilaa wareegii labaad ee wadahallada heshiis lagu saxiixo Magaalada Vienna, June 18,1979-kii, waqtigaa waxaa xoog ku soo galay Afqaanistaan Midowgii Soofiyeeti, awood ciidanna uga qaaday xukunkii Xafiidullaah Amiin, oo markaa ka taliyey.

Sannadkii 1981-kii, waxa uu keenay qorshihii Soofiyeetka looga saarayey Afqaanistaan, waxa uu booqday Sucuudiga, u soo bandhigay in ay keenaan dhallinyaro Jihaadiyiin ah oo fitnada Shuuciyadda ee Soofiyeetka bixisa, dhaqaalaha ku daraan iyaguna waa Maraykane Hubka bixiyaan, waar ajende noo fiican innaga iyo adinka, ayuu Boqortooyadii si qosol iyo afmacaani ah ugu yiri, maadaama halista Shuuciyaddu ay galaa fan karto. Qorshahaa waxaa ku qancay Aqalka cad, Sucuudigu howshaa uu Brzezinski, soo ikhtiraacay ayuu guda galay, dhallinyaradii Afqaanistaan, Baakistaan iyo dalal kale oo Muslima ayuu ka soo aruuriyey jihaadna ugu baaqay, si dabka Maraykanku ku daneysanayo loogu shubo, heer masaajidda uu kaga yeero jihaadka oo halkaa ka wacdiyo!

Masar oo Sadaat joogo, ayuu booqasho ku bixiyey si Hubkii Soofiyeetka ee keydka uun ahaa ay u bixiso looguna jebiyo isla iyaga Soofoyeetka ah. Janaweri 20-keedii, 1981-kii, waxaa talada yimid Actor Ronal Reagan, waxa uu sii ahaa xubin guddiga Amniga Qaranka iyo la taliye awood badan.

Jihaadiyiintii Afqaanistaan Saameyntii uu kulahaa ayuu sii xoojiyey heer lagu casuumo Aqalka Cad, ku booqdo goobihii dagaalka, dayax gacmeedyo hawada loo dirayo lagu casuumo iyo halyeeyo laga mid dhigo kuwa Maraykan oo kale. Jihaadiyiin is qarxinaya inta xerooyinka ciidanka isku biimeeyaan waa naqshaddii la taliye Brzezinski, Soofiyeet u jiiday e, ugu dambeyn, 1989-kii ayuu isaga huleelay Dhulkii sare, Dooragada iyo Buuraha” Afqaanistaan”. Waa habka dagaal ee Maraykan kaga guuleystay Soofiyeet.

FG: Raggaasi waa u argagagixiso maanta Maraykanka, 20 sanadood uu dagaal kula jirayna hadda ka huleelayaa dalkooda.

May, 2017, ayuu ku geerooday Virginia, USA, waa qoraaga 30 buug oo kala duwan, intooda badan ku saabsan dhacdooyin kala duwan oo siyaasadda, diblumaasiyadda iyo Afkaarahaba la xiriira.

Waxaa Diyaariyey: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media