Turkiga oo dhisanaya xarunta 2-aad ee ugu wayn Yurub oo dhan ee lagu tijaabiyo dayuuradaha guuxooda ka dheereeya + Sawirro

0

(Ankara) 18 Juun 2021 – Shirkadda Turkish Aerospace Industries (TAI) ayaa dhisaysa dusmada 2-aad ee ugu ballaaran Yurub ee lagu tijaabin doono dayuuradaha guuxooda ka dheereeya oo ay sidoo kale farsamadooda ku howllan yihiin.

“Waxaa dusmadan lagu tijaabin doonaa dayuuradaha maxalliga ah ee marawaxadda leh ama matoorka fadhiya ku shaqeeya, gaar ahaan kuwa guuxooda ka dheereeya,” ayay shirkaddu maanta shir jaraa’id ka sheegtay.

Dusmadan ayaa ka kooban 3 qaybood; mid ballaaran, mid yar yar iyo mid furan, waxaana lagu qalabayn doonaa agabkii ugu casrisanaa caalamka ee cabbirka iyo tijaabada, iyadoo noqon doonta middii ugu horreeysey ee Turkiga laga sameeyo, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee TAI, Temel Kotil.

Wuxuu ka hadlay in xaruntan tijaabada ee la dhisayo ay muhim u tahay dayuuradda haatan la dhisayo ee MMU, taasoo ah dayuurad guuxeeda ka dheereeysa oo jiilka 5-aad ah, taasoo muhiimad aad u wayn u leh Turkiga.

Hadalsame Media