Covid-19 ”nooca Hindiya” oo todobaad gudihii UK ku faafay 78% (Dhallinyarada oo uu ku dhacayo & talo la jeediyey)

0

(London) 18 Juun 2021 – Nooca loo yaqaan Delta Variant oo ah cudurka Covid-19 noociisa Hindiya baabi’iyey ayaa aad ugu sii xoogaysanaya dalka UK, isagoo 78% kordhay muddo hal todobaad ah, sida uu sheegayo ururka Public Health England (PHE).

Kiisaska xaqiiqsan ee Covid-19 gaar ahaan noocan oo ka faafi og midkii hore ayaa ka kacay 33,630 ilaa 75,953 oo kiis muddo 7 maalmood ah, taasoo keentay in guud ahaanba ay meeshii ugu sarreeysey gaaraan kiisaska cudurku tan iyo bartamihii Febraayo.

Xogta PHE ayaa sheegaysa in dadka qaada nooca Delta ay kuwa kale uga baahi badan yihiin in isbitaal la dhigo, iyadoo ilaa haatan isbitaal la dhigay 806, waana ku dhowaad kala bar ka badan tiradii todobaadkii tegey oo ahayd 423.

Dadkaa isbitaalka la dhigay waxaa ku jira 84 qofood oo horay u wada qaatay labada kuuro ee tallaalka karoonaha, halka 527 aan la tallaalin, waloow kuwa tallaalani ay caadiyan haystaan fursad aysan isbitaal ugu baadan 90%.

73 qof ayaa England oo qura ugu dhintay cudurka Delta 28 maalmood kaddib markii laga helay.

Dr Jenny Harries, oo ah Agaasimaha UK Health Security Agency, ayaa sheegaysa in dadka cudurkan laga helay ay u badan yihiin da’ yar aan weli la tallaalin, sidaa darteed, waxay ku baaqday inay tallaalka ballansadaan isla marka ugu horreeysa ee ay galaangal u yeeshaan.

Hadalsame Media