”Waxaan doonayaa inaan fahmo wixii igu dhacay!” – Eriksen oo markii ugu horreeysey dadka kala hadlay waxa ugu daran ee walaacinaya

0

(Copenhagen) 15 Juun 2021 – Laacibka Christian Eriksen ayaa markii ugu horreeysey dadka la hadlay tan iyo markii uu wadnuhu istaagey kulankii Denmark ay Euro 2020 la lahayd Finland, isagoo ku adkaysanaya ”inuu fiican yahay oo aanu is dhiibi doonin.”

Laacibka Inter Milan, ayaa muddo 13 daqiiqadood ah waxaa lagula tacaalayey CPR oo ah mashiinka wadnaha lagu kiciyo kaasoo aamusnaa ugu yaraan 5 daqiiqo, kaddib markii uu dhulka ku dhacay in yar uun kahor dhamaadkii gelinkii hore ee ciyaarta, isagoo weli ku jira isbitaalkii la geeyey.

Eriksen oo 29-jir ah ayaa taageerayaasha uga mahad celiyey hiillada ay u muujiyeen isagoo farriin usoo dhiibey wakiilkiisa, taasoo lagu daabacay warqaadka Talyaaniga ah ee Gazzetta dello Sport.

Eriksen ayaa soo saaray warbixin u dhignayd: ”Waad mahadsan tihiin, is dhiibi maayo waana roonahay – balse waxaan doonayaa inaan fahmo wixii dhacay.”

Hadalsame Media