Shirkadaha Turkiga oo isu kaashaday farsamaynta dayuurad jiilka 5-aad ah oo u dhiganta F-35 Lightning II + Sawirrada

0

(Ankara) 15 Juun 2021 – Shirkadaha agabka ciidanka sameeya ee Turkiga ayaa cududooda haatan iskugu gayn doona samaynta dayuurad dagaal oo Turki samee ah (MMU) isla markaana jiilka 5-aad ah raadaarkana ka dhuumata.

Mashruucan oo ah midka loogu sugid badnaa dalkaasi, ayaa waxaa lagu doonayaa in lagu sameeyo dayuurad kuwa guuxooda ka dheereeya ee ay Soomaalidu MiG u taqaan, waloow magacaas la yiraahdo kuwa Ruush sameega ah qaarkood.

Temel Kotil, Maareeyaha Guud ee Turkish Aerospace Industries (TAI), oo ah sharikadda qandaraaska ugu wayn ka haysata mashruucan, ayaa Anadolu Agency (AA) u sheegay in farsamada dayuuraddu uu si wanaagsan u socdo iyadoo dayuuradda sambalka ah ee ugu horreeysa lasoo bandhigi doono 18-ka Maarso 2023-ka.

Wuxuu sheegay in waloow ay TAI u xilsaara tahay farsamada dayuuradda ay misna shirkadaha kale ee sameeya agabka ciidamada ee Turkigu ay khibraddooda iyo farsamadooda ku biirinayaan sidii loo soo saari lahaa dayuurad noqon karta qab qaran oo lagu sameeyey tas-hiilaad 100% maxalli ah.

“Shirkadda Aselsan waxay naga caawinaysaa dhanka wixii danab ah iyo barnaamijyada dhisidda kombiyuutarka (avionics and computer hardware), Havelsan waxay gacan ka gaysanaysaa software-ka, TAI waxay sidoo kale leedhay koox software ah,” ayuu yiri.

Dhanka dhaqdhaqaaqa garbaha iyo xakamaha dayuuradda waxaa iska kaashanaya TAI, Altınay oo Turki ah iyo sharikad Ukrainian ah.

TAI ayaa sidoo kale samaynaysa shirka dhalada ah, halka Aselsan ay dhisayso raadaar casri ah oo lagu xirayo sanka hore ee dayuuradda, sidoo kale dareemayaal (sensors) lagu dhejinayo meelo badan oo dayuuradda ka tirsan sida kuwa sheegaya gantaalaha soo socda, cilladaha jira iwm ayaa waxaa ka wada shaqaynaya Aselsan iyo Havelsan.

Shirkadda Daraasaadka Cilmiga ah iyo Tiknolojiyadda Turkey (TÜBITAK) iyo Rugta Daraasaadka Xogaha Tiknolojiyaadka Casriga ah (BILGEM) ayaa wada dhisaya kombiyuutarrada dhexe ee dayuuradda.

Pavotek, oo shirkad kale oo Turkish ah ayaa samaynaysa hannaanka dab gaarsiinta dayuuradda, iyadoo ay cududdooda isu gaynayaan dhamaanba sharikaadka Turkiga ee agabka ciidamada.

Waxaa dhismaha dayuuraddan ka qayb qaadanaya ilaa 1,000 injinneer, iyadoo uu Kotil sheegay in shirkaddooda TAI oo qura ay guud ahaan leedahay 4,000 oo injinneer, iyadoo ay dayuuradda TF-X MMU ay ka kooban tahay 20,000 oo qaybood.

Turkiga ayaa laga cayriyey barnaamijka dayuuradaha F-35 oo ay shirkadihiisu weli qaybo ka sameeyaan. TF-X MMU oo ah jiilka 5-aad ayaa lahaan doonta muuqaallo u dhigma kuwa dayuuradda ay dhisto Lockheed Martin ee F-35 Lightning II, si ay u dhaxasho kuwa sii gaboobaya ee F-16 oo ay Turkigu doonayaan inay ka guuraan 2030meeyada.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media