Ilhaam Cumar oo markii ugu horreeysey dhaleecayn ka wajahaysa Maraykanka, Israel & xitaa Falastiin + Sababta

0

(Gaza) 15 Juun 2021 – Dhaqdhaqaaqa Wax Iska Caabinta Islaamiga ah ee Xamaas ayaa furka ku xoortay qoraal kasoo baxay Xildhibaannadda Aqalka Wakiillada ee Koongarayska Maraykanka, Ilhaan Cumar, kaas oo si siman u eedaynayey Mareykanka, Israel, Xamaas iyo Taliban, oo ay sheegtay in lala wada xisaabtamo, iyadoo ku eedaynaysa dembiyo dagaal.

Ilhaan Cumar ayaa twitter-ka ku soo qortay sidatan: “Waa in la xisaabtan isku mid ah iyo caddaalad u helnaa dhammaan dhibanayaasha la kulmay dembiyada ka dhanka ah bani’aadminnimada. Waxaan aragnay dilal aan la qiyaasi karin oo ay gaysteen Maraykanka, Hamas, Israel, Afghanistan iyo Taliban.”

Kooxda reer Falastiin ee Xamaas oo arrintan aad uga carootey ayaa hadalkaas ku tilmaantay ”arrin aan la aqbali karin” oo isla meel dhiga ”dhibbanihii & dhib walihii.”

“Waxay (Ilhaan) isla meel dhigtay dhibanihi iyo dilaagii, markii ay isku si ula dhaqantay wax iska caabinta shacabka Falastiin, dembiyada dagaalka ee Israel ee Falastiin, iyo gardarrada Mareykanka ee Afghanistan.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xamaas oo uu akhriyey  Afhayeenkooda dibedda, Bassem Naim oo Ilhaam iyo ciddii kale ee wax difaacaysa ugu baaqay inay sameeyaan qayaxaad aan siyaabo kala duwan u fasirmi karin.

Ilhaan ayaa sidoo kale horey ula kulantay dheelaceyn xooggan oo kaga timid xildhibaanada Yahuudda ah ee Congress-ka Mareykanka oo ku eedeeyey inay Mareykanka iyo Israel la meel dhigtay wax ay ku sheegeen “ururo argagixiso ah.”

Hadalsame Media