Waa wax fiican in ugu dambayn Kenya lala xisaabtamo balse dacwadda la geeyey Golaha Amaanku waxay leedahay 3 IIMOOD

0

(New York) 15 Juun 2021Danjiraha Somalia u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle), ayaa Golaha Ammaanka u gudbiyay caddeymo muujinaya duqeymaha ay Ciidanka Cirka Kenya ka geysteen Gobolka Gedo ee Somalia.

Danjire Abuukar Baalle oo soo bandhigay sawirro muujinaya waxa dhacaya ayaa Golaha Ammaanka ka hor akhriyay warbixin ku saabsan in duqaymahan oo aan wax shaciyad ah ku fadhiyin ay gaysteen Ciidamada Cirka Kenya ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay maati Soomaaliyeed oo ay carruuri ku jirto.

Waa tillaabo wanaagsan in Kenya lagula xisaabtamo xadgudubyada ay ka gaysato gudaha Somalia, gaar ahaan duqaymahan iyo burburinta kaabayaasha isgaarsiinta oo ay sanado badan soo waddey, balse ashtakada xilligan loo gudbiyey Golaha Amaanku waxay leedahay 3 cilladood.

1 – Waqtiyaynta ashtakada – Waxaa dacwaddan lagu soo beegay xilli ay Wasaarad Dibadeedka Somalia sheegtay inay qaadayso tillaabooyin samaddoonnimo oo lagu wanaajinayo xiriirka labada dal. Dabcan cidda dacwaddan gudbiseyna waa isla Wasaaradda. Taasi waxay yara abuuraysaa jahawareer.

2 – Maadaama ay DF sheegtay in la wanaajinayo xiriirka labada dal, waxay dadka xiriirka caalamiga ah wax ka fahamsani ku doodayaan inay dacwad QM la geeyo ka wax ku oolsan tahay in Kenya lafteeda arrimahan si toos ah loogala hadlo, haddii ay si cad u diiddana QM maahane xitaa Maxkamad caalami ah lala tiigsado, balse marka hore iyaga toos loola hadlo. Ogaan, weli lama hayo dowlad si rasmi ah Kenya ugala xaajootey arrimahan.

3 – Dacwo QM la geeyaa waa dood iska ma dhalays ah, maadaama aysan jirin wax badan oo ay QM ka qabato arrimaha u dhexeeya dalalka (bilateral issues) xitaa haddii ay taasi ahayd ujeedkii loo unkay 1945-kii.

Sidoo kale, QM waa joogtey markii ay Kenya kusoo duulaysey ee ay dhinac ka qabsanaysey Somalia waxbana kama qaban, waxaa kasii horreeysey Itoobiya, iyadana sidoo kale.

Maraykanku waa kii ku hor dhaqaaqay 2003-dii iyadoo uu Golaha Amaanku si cad u diidey in la weeraro Ciraaq, misna wax ay QM ka qabatay ma jirin. Sidoo kale, dalal badan ayaan aqoonsanayn ama raacin go’aamada kasoo baxa Maxkamadda iyada hoos taga ee ICJ, halka midda ICC oo aan QM ka tirsanayn kaliya lagu maxkamadeeyo dad kooban oo Dunida 3-aad ah, weliba ma wada ah Dunida 3-aad e waa ciddii aan garab istaraatiji ah ka haysan dalalka waawayn.

Sidaa darteed, dacwad xilligan la geeyo Golaha Amaanku wax ay qaddiyadda ay ku saabsan tahay lafteeda ay Somalia uga taraysaa ma jirto, waadna arki doontaan.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media