DAAWO: Hooyo Soomaaliyeed oo u gar dhigatay Wasiir Dubbe & su’aalo la waydiinayo MW Farmaajo

0

(Hadalsame) 15 Juun 2021 – Hooyo ka tirsan waalidiinta dhalay dhallinyarada sida aan weli la fahmin lana sharrixin loogu qaaday dalka Eritrea ayaa ka dareen hadashay waxa ay ku sugan tahay, iyadoo nasiib xumo ku tilmaantay in arrintooda looga hadlay qaab marin habaabin ah oo la yiri ”waxay wadaan olole doorasho,” taasoo ay Ilaahay marqaati ugu qabsatay.

Waxay sidoo kale ka hadashay dhibka ay carruurteeda kusoo korisey kuna soo kabbisey iyadoo aan wax kaalmo ah ka helin dowlad Soomaaliyeed, midda hadda jirtaana ay dhibkan u gaysatey.

Haddaba, waxaa su’alahan la waydiinayaa MW Farmaajo oo marka laga soo tago 2-dii sano ee ugu horreeysey kaddib go’aansaday inay iska dhega tiro xaalad kasta oo soo kororta amaba uu ka adeejiyo dadka arrinta sii dhabjiya ama marin habaabiya, taasoo ah midda nacsiisay dad badan oo beri daacadnimo ku taageersanaa.

Madaxwaynuhu miyuuna damiir lahayn? Madaxwaynuhu miyuuna Aabbe ahayn? Madaxwayne hooyooyinkaan marna uu Wasiir Dubbe damiirkooda ku cayaarayo marna dhagaha aad ka furaysaneysaan wax qabta ma aha!.

Madaxwaynoow wiil dhar calanka Soomaaliya ka samaysan oo Hargaysa lagu xiray baad Madaxtooya ku qaabishaye miyayna illinta hooyooyinka qalbigaaga taaban oo qabilaad aysan mudneyn?

Madaxwaynow sow adigii qaabili jiray wiil sawiir gacmeed kaa sameeyay? Miyaad hadda dhaga iyo indha beeshay?

Madaxwaynow illinta ama oohinta hooyadaan iyo hooyooyinka kalana kaambayn ka wayn! Madaxwayne arinka cabashada waalidku ka wayn ragga aad kursiga isku haysaan!.

Ururka Haweenka Soomaaliyeed, kuwa Gobolka Banaadir iyo dhaqaaqyada kale ee arimaha haweenka ka shaqeeya oo arinka hooyooyinkaan ka hadlaa yaa arkay? Waa ceeb iyo wax laga xumaado in aad ka aamustaan oohinta hooyooyinka ubodkoodii nolol iyo geeri la’.

Waxaa Diyaariyey: Aways Gaani

Hadalsame Media