Taageerayaasha AC Milan oo naadiga ugu baaqay in kabtanka kooxda laga dhigo Simon Kjaer

0

(Milano) 14 Juun 2021 – Taageerayaasha AC Milan ayaa ku baaqaya in Simon Kjaer laga dhigo kabtanka Rossoneri sida uu qorayo La Gazzetta dello Sport iyadoo la sheegayo in maamulka Milan ay si wayn uga fikirayaan soo jeedintaas.

Waxaa bilowday hashtag la yiraahdo #KjaerCapitano oo Twitter-ka si wayn ugu faafaya, iyagoo ku baaqaya in kabtanka Denmark oo gacan wayn ka gaystey badbaadinta nafta laacibka Inter ee Christian Eriksen laga dhigo hoggaamiyaha Milan oo uu u dheelo.

Simon Kjear oo ah kabtanka Denmark ayaa xitaa lasoo jeediyey in la siiyo billad geesi iyo abaal marinno kale, marka la eego sida uu u maareeyey xaaladdii walaaca badnayd ee Eriksen oo uu ka badbaadiyey inuu carrabka liqo.

Kabtan Kjear ayaa wuxuu sidoo kale laacibka suuxsanaa siiyey CPR macmal ahaa isagoo laacibiinta ka codsaday inay isku hareereeyaan si ay kaamirooyinka uga jiraan, wuxuu kaddibna u laab qaboojiyey xaaska xiddiga oo garoonka joogtey iyadoo aad u welwelsanayd.

La Gazzetta dello Sport ayaa sheegay in arrintani ay haysato taageero aad u culus, maadaama uu Kjaer muujiyey hoggaan, hal adayg, karti iyo talo wanaag, taasoo ah tayooyinka looga baahan yahay kabtanka.

Macallin Stefano Pioli iyo kooxda ayaa la sheegayaa inay arrintan ka wada hadli doonaan marka ay tababarka xilli-horaadka kusoo noqdaan, iyadoo uu awalba kabtanku bannaanaa maadaama uu kayd galay Alessio Romagnoli oo laga yaabo inuu kooxda ka tago, hala ku xigeenkiisii Gigio Donnarumma uu kooxda ka tegey.

Zlatan Ibrahimovic, oo isagu ah hoggaamiyaha ruuxiga ah ee kooxda Milan, ayaa fasal-ciyaareedka nuskiis dhaawacyo ku seegay fasalkii 2020-21.

Franck Kessie iyo Davide Calabria ayaa sidoo kale laga fikiri karaa, balse sida muuqata waxay u badan tahay in kabtanka loo xiri doono weliba si maamuus ah daafaca dhexe ee Kjaer.

Hadalsame Media