Xiriirka diblomaasiyadeed ee Somalia-Kenya oo muddo kaddib markii ugu horreeysey dhabbe caadi ah kusoo dhacay (Maxaa cusub?)

0

(Nairobi) 14 Juun 2021 – Dalalka Somalia iyo Kenya oo sanadihii dambe ay ka dhaxaysey xurguf diblomaasi ah oo wejiyo badan qaadatay ayaa haatan bilaabay inay isu debcaan iyadoo ay waraaqo badan oo rasmi ah is dhaafsadeen labada Wasaarad Dibadeed ee labada dal.

DF Somalia ayaa maalin dhowayd waxay Kenya ka codsatay inay qaaddo tillaabada 1-aad ee dib u howlgelinta safaaradaha labada dal, waxayna Kenya haatan iyadoo codsigaa ka jawaabaysa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dib u furanayso Safaaraddeeda Muqdisho oo aan shaqaynayn tan iyo markii ay Somalia xiriirka jartay bishii Diseembar ee sanadkii tegey.

”Wasaarad Dibadeedka Kenya waxay hambalyo u diraysaa dhiggeeda Somalia oo ay ku wargelinayso inay sharaf u tahay inay aqbasho martiqaadka DF Somalia ee wanaajinta xiriirka labada dal, waxayna dib u furanaysaa Safaaraddeedii Muqdisho.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay WAD Kenya.

Kenya ayaa isla mar ahaantaa waxay DF Somalia ku casuuntey inay dib u furtaan Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Kenya, iyadoo xustay inay qiimayn aad u sarraysa siinayso xiriirka labada dal.

Waa markii ugu horreeysey ee ay labada dal ay samadoonnimo ka muujiyaan wanaajinta xiriirka labada dal oo sii xumaanayey tan iyo markii ay Kenya ay si hal-haleel ah u cayrisey Danjiraha Somalia ee Kenya Md Tarzan.

Hadalsame Media