TOGANE VS TABANE: Waxyaabo qaarna aad loo amaanay qaar aad loo dhaliilay oo dhacay intii uu shalay suuxsanaa Eriksen

0

(Copenhagen) 13 Juun 2021 – Waxaa cabsi mar qura isu rogtey jawiga guud ee ciyaar ka socotey Parken Stadium oo ku yaalla Copenhagen, caasimadda Denmark.

Waxay ahayd dhamaadkii gelinkii hore ee ciyaarta Denmark-Finland, oo ahaa kulanka 1-aad ee jiirooniga Group B ee Euro 2020, markii uu Christian Eriksen mar qura dhulka ku dhacay daqiiqaddii 43-aad ee dhamaadkii gelinkii hore. Kaddib waxaa dhacay wixii la wada ogaa.

Yeelkeede, waxaa jira arrimo aad usoo jiitey dadwaynaha oo amaan la huwiyey iyo kuwo aad loo dhaliilay dadkuna ay yaqyaqsi iyo nac ka muujiyeen.

TOGANAHA – Waxay warbaahinta caalamka iyo xitaa bahda caafimaadku amaan kala dul dhacday kartida iyo talo samaanta uu muujiyey Simon Kjear oo ah kabtanka Denmark oo xitaa lasoo jeediyey in la siiyo billad geesi iyo abaal marinno kale, marka la eego sida uu u maareeyey xaaladdii walaaca badnayd ee Eriksen oo uu ka badbaadiyey inuu carrabka liqo.

Kabtan Kjear ayaa uwuxuu sidoo kale laacibka suuxsanaa siiyey CPR macmal ahaa isagoo laacibiinta ka codsaday inay isku hareereeyaan si ay kaamirooyinka uga jiraan, isagoo kaddibna u laab qaboojiyey xaaska xiddiga oo garoonka joogtey iyadoo aad u welwelsanayd.

Marka laga yimaado deganaanta iyo khibradda uu muujiyey Kjear waxaa sidoo kale loo sabciyey doorkii xiddigaha Finland iyo taageerayaashooda oo calankii dalkooda u hibeeyey in lagu qariyo Eriksen oo bareello lagu sido, iyagoo muujinayey in insaaniyaddu ka muhiimsan tahay wax kasta.

Xulka Finland ayaa sidoo kale waloow ay shalay dheelayeen kulankii ugu horreeyey ee rasmi ah oo caalami ah aan misna u dabaal degin goolkii guusha, si ay hiillo niyadeed ugu muujiyaan xulka ay la dheelayeen oo ku jirey xaalad xasaasi ah oo dhanka niyadda ah.

TABANAHA – Marka 1-aad waxaa TV-yadii ciyaarta soo duwayey sida BBC lagu dhaliilay inay Zoom gareeyeen laacibka oo suuxsan kaddibna ay sii wadeen inay xaglo kala duwan kaamarada uga qabtaan, waloow ay dadka qaar ku doodayaan in maadaama ay dhacdadu ahayd mid toos ahayd, ay warbaahintu haysato qiil ahaa inaysan horay ka fahmi karin qarada xaaladda, sidaa darteed, ay xaq u lahaayeen inay xog raadiyaan, balse waxaa taasi meesha ka baxaysaa inay duubista sii wadaan marka ay ogaadeen inuu laacibku suuxsan yahay kaddib.

Tan 2-aad, waxaa xiriirka UEFA lagu dhaliilay inay muujin wax damqasho iyo dareen ah maadaama ay Xulka Denmark ku amartay inay ciyaaraan, waloow ay ku doodeen in codsigu uu ka yimid labada xul iyo xitaa laacibkii suuxay ee Eriksen.

Waxaa se weji gabaxa UEFA muujinaysey xaaladdii Kabtanka Denmark ee Kjear oo dib u bilowgii ciyaarta kaddib codsaday in la bedelo maadaama uu niyad ahaan maqnaa oo uu tahli waayey inuu ciyaarsiiyo jirkiisa garoonka dhex jooga.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media