Laacib Eriksen oo ay Talyaaniga uga dhamaatay haddii ay dhacdo in sababta uu u suuxay ay ahayd….

0

(London) 13 Juun 2021 – Waxaa haatan isbitaal ku yaalla magaalada Copenhagen kusoo kabanaya laacibka Christian Eriksen, oo shalay garoonka ku dhex suuxay, waxaana haatan soo baxaysa xog sheegaysa inay dhici karto in laacibka laga mamnuuco inuu ka dheelo Horyaalka Talyaaniga oo uu ku metelo kooxda horyaalka difaacanaysa ee Inter Milan.

Taasi waxay iman doontaa oo xaqiiqoobi doontaa haddii waxa uu shalay la suuxay laacibkan 29-jirka ah ay noqdaan wadne istaag, kulankii Euro 2020 ee Denmark la lahayd Finland – iyadoo ay warbixintu haatan sheegayso in wadnaha laacibku uu istaagsanaa muddo 5 daqiiqadood ah, haddii aan laga gaari lahayna ay adkaan lahayd inuu soo noqdo.

Laacibka ayaa waxaa markiiba si qaabsan u dhigay Kabtanka Xulkiisa, Simon Kjear, oo ku bilaabay inuu siiyo CPR macmal ah, iyadoo ay markiiba yimaadeen dhakhaatiirka xulka oo ku guulaystey inuu wadnihiisu dib u shaqeeyo kahor intaan loo qaadin isbitaalka. waloow aan weli la hubin xaalkiisa caafimaad ee mustaqbalka.

Dr Scott Murray, oo ka mid ah khubarada wadnaha ee ugu sarreeysa NHS-ka Ingiriiska, ayaa sheegay in Talyaanigu ay xeer adag ka leeyihiin arrintan oo ay aad uga hor tagaan in intii la awoodo aanu laacib wadne istaag ugu dhex dhiman garoonka, sidaa darteed ay adag tahay inuu laacibkani dib ugu laabto xeebaha diirran ee Talyaaniga iyo Serie A.

”Waxaa xitaa dhici karta inay halkan ku dhamaadaan waayihiisa ciyaareed. Talyaanigu qofka waa ka joojiyaan inuu ciyaaraha ku lug yeesho haddii uu qabo dhibaato dhanka wadnaha ah. Waana sharci.” ayuu ku yiri MailOnline.

”Waxay sida yeelayeen muddo dheer oo 20 sanadood ka badan, waxayna taasi keentay in laacibiinta wadne istaag ugu dhinta ciyaaruhu ay kasoo degaan 3% oo ay haatan ka hooseeyaan 1%.” ayuu daba dhigay khabiirku.

Hadalsame Media