Dal ka mid ah kuwa ugu horumarsan dunida ayaa qirtay inuu ka ”cabsanayo” dal yar oo Muslim ah + Sababta (Ma aha midka aad moodayso)

0

(Berlin) 13 Juun 2021 – Ciidamada Jarmanka ayaa la sheegay inaysan taag u lahayn inay iska difaacaan daroonnada dagaalka ee ku shaqeeya hannaannada sii adkaanaya ee casriga ah, sida lagu sheegay lafa-gur lagu sameeyey Ciidamada Jarmanka ee Bundeswehr iyadoo bar bilow laga dhiganayo natiijada dagaalkii Nagorno-Karabakh ee sanadkii tegey.

“Haddii ay Bundeswehr la dagaallami lahaayeen Azerbaijan, wax fursad ah ma heli lahayn Jarmanku,” ayuu yiri Kornayl Michael Karl, oo ah khabiir ku talax tegey dagaallada casriga ah iyo tiknoljiyadaha cusub oo ka tirsan Mac’hadka Jarmanka ee Daraasaadka Daafaca Istaraatijiga ah (GIDS).

Wuxuu intaa raaciyey in hubkii dagaalka ay Azerbaijan ku adeegsatey sida daroonnada dagaalka iyo kuwa Kamikaze-gu, aanay Jarmanku si ku filan iskaga difaaci kareen.

Azerbaijan ayaa sanadkii tegey dib u qabsatay gobolkii 30-ka sano laga haystey ee Nagorno-Karabakh iyagoo inta badan ku gacan sarreeyey dhanka cirka, maadaama ay adeegsanayeen daroonnada Turkia ee “Bayraktar TB-2” iyo kuwa Israel ee “Hermes 900”.

Wuxuu intaa raaciyey in si dagaal casri ah loogu guulaysto ay Jarmanku u baahan yihiin inay dhanka ciidamada u adeegsadaan farsamooyin ay isla iyagu haatanba haystaan balse ay u adeegsadaan si madani ah, sida hannaanada jabaqda oo haatan dagaal ahaan loo adeegsado iyo awoodaha tashwiishka.

“Muhiimaddu ma aha inaan ciidamadeenna difaacno, balse waa inaan sidoo kale awood u yeelannaa inaan dadwaynaha rayidka ah difaaci karno.” ayuu ku dooday khabiirku.

Daraasad UK laga sameeyey iyo Wasaaradda Gaashaandhigga UK ayaa horay u sheegay inay ka cabsi qabaan awoodda dheeraadka ah ee ay daroonnadu siinayaan Turkiga oo ay sheekadani qayb ahaan khuseeynayso maadaama aanay Azerbaijan hubkan samaysan karin hadda.

Mid ka mid gawaarida wax jaam gareeya ee Ruushku sameeyo ee Krasukha-4…

Hadalsame Media