Itoobiya oo farta ku fiiqatay dekedaha ay doonayso (Khalad istaraatiji ah oo Somalia ka dhici kara)

0

(Hadalsame) 13 Juun 2021 – Itoobiya ayaa shaaca ka qaadday inay doonayso inay adeegsato dekedaha waddamada deriska la ah si ay uga kaaftoonto adeegsiga dekedaha dalka Jabuuti oo qura, kuwaas oo haatan ah kuwa ugu badan ee ay wax kala degto.

Waxaa arrintan si cad cad uga hadlay Wasiirka Gaadiidka DF Itoobiya, Daagmaawiit Moges, taasoo FBC u sheegtay in dalka Itoobiya uu wax ka dhoofiyo kana soo dejiyo dalka Jabuuti 99%, balse ay haatan doonayaan ugu yaraan ilaa 3 dekedood oo kale oo gobolka dhaca.

“Dekedaha aan isticmaalkooda bilaabeyno qaarkoodna aan horay u billownay waxay kala yihiin Dekadda Berbera, Dekadda Lamu iyo Dakadda Port Sudan, isticmaalka dekedahaasina waxay keeneysaa ku tiirsanaantii dakadaha Jabuuti ee ahayd 99%, iney noqoneyso 89% meelahaa iyada oo dekadaha cusub ee aaan isticmaaleyno 8.8% ay kaalintooda noqoneyso” ayay tiri Wasiiraddu.

DF Itoobiya oo dhowaan soo saartay xeer cusub oo ku saabsan Siyaasadda Saanadda (Logistic Policy), ayaa sheegtay inay heshiisyo kula jirto DP World kasoo ku kacaya hal bilyan si loo dhiso jidad iyo kaabayaal kale iyo Kenya si ay u adeegsadaan Lamu Port.

Itoobiya oo ah dalka 2-aad ee ugu dadka badan Afrika ayaysan ceeb ahayn in dekedo laga ijaaro ama lagula heshiiyo inay wax kala degaan taasoo laga wada faa’iidi karo, balse dhibka jira wuxuu yahay inaysan Dekedda Berbera kala heshiinin dowlad la aqoonsan yahay iyadoo wax kala dhex baxaysa kala qaybsanaanta Somalia, taasoo keeni karta khalad wayn oo istaraatiji ah oo aan hadhoow caawin doonin xitaa Somaliland.

Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa sidoo kale dhisanaysa ciidan badeed, halka ay dalalka Reer Galbeedku diiddan yihiin in xitaa la dhiso ciidamada Somalia ee dhulka badba ha joogtee, iyadoo tashwiishyo badan la furo markii la isku dayo in ciidamo la dhiso, kuwaasoo aan sidoo kale helin maamullo qaan gaar ah oo uu hankoodu dhaafsiisan yahay dan gaar ah iyo kursi.

Khubarada ayaa haddaba ka werwersan Itoobiya oo haysata deked u saxiixan iyo dalka ay ku taallo oo kala daadsan sharciyo adagna aan lahayn, marka laga reebo siyaasado ila meerayso ah oo is baacsanaya, kuwaasoo Itoobiya u abuuraya jawi aad ugu habboon damaceeda qarniyo jirka ah.

Hadalsame Media