DF Somalia oo soo dhoweysey tillaabadii Kenya (Hal arrin oo ay ka codsatay)

0

(Muqdisho) 13 Juun 2021 – DF Somalia ayaa War Saxaafadeed ay soo saartay ku amaantay tillaabada “samadoonnimada” ah ee ay qaadday dhiggeeda Kenya oo dib u furtay duullimaadyada tegaya ama ka imanaya Somalia oo ay horay u hakisay.

War kasoo baxay Wasaarad Dibadeedka Somalia ayaa waxaa Kenya loogu jeediyey in si loo furo jawi cusub oo ku dhisan deris wanaag in ay dib u furtaan Safaaraddoodii Muqdisho.

DF Somalia ayaa iyaduna ballan qaaday inay qaadi doonto tillaabo rogaal ah oo ay iyaduba dib ugu furanayso Safaaraddeeda Nairobi.

Waxaa la filayaa in todobaadyada yar ee soo aaddan ay labada dal is dhaafsadaan wefdiyo kasii wada hadla wanaajinta iyo caadi kusoo celinta xiriirka labada dal ee deriska ah.

“Soo celinta xiriir buuxa oo diblomaasiyadeed waa bilow cusub wuxuuna keeni doonaa in dib loo bilaabo wada hadalladii labada dal.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay WAD Somalia.

Kenya ayaa bishii hore hawada xiratey, halka ay Somalia xiriirka u jartay Kenya bishii Diseembar ee dhamaadkii sanadkii tegey.

Hadalsame Media