XOG: Somalia oo saxday ”maamuus xumo diblomaasiyadeed” oo ka dhacay kaddib codsi uga yimid dhanka Dowladda Kenya

0

(Muqdisho) 13 Juun 2021 – DF Somalia ayaa War Saxaafadeed ay soo saartay ku amaantay tillaabada “samadoonnimada” ah ee ay qaadday dhiggeeda Kenya oo dib u furtay duullimaadyada tegaya ama ka imanaya Somalia oo ay horay u hakisay.

War kasoo baxay Wasaarad Dibadeedka Somalia ayaa waxaa Kenya loogu jeediyey in si loo furo jawi cusub oo ku dhisan deris wanaag in ay dib u furtaan Safaaraddoodii Muqdisho, si ay u qaadaan tillaabo rogaal ah oo ay Somalia dib ugu furanayso Safaaraddeeda Nairobi.

“Soo celinta xiriir buuxa oo diblomaasiyadeed waa bilow cusub wuxuuna keeni doonaa in dib loo bilaabo wada hadalladii labada dal.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay WAD Somalia.

Sida haatan aannu ku helayno xogo hoose, Kenya ayaa DF Somalia ka codsatay inay kusoo jawaabaan waraaq rasmi ah oo u dhiganto middii kasoo baxday Wasaarad Dibadeedka Kenya oo lagu hagaajiyey dhiggeeda Somalia, si ka duwan qaabkii hore ee ay DF soo celinta xiriirka saxaafadda uun marisay, iyadoo qoraal rasmi ah ama wax dokumenti ah u dirin Kenya, taasoo ay Kenya u aragtay ”maamuus xumo diblomaasiyadeed.”

Waxaa arrintaa sidoo kale laga garan karaa qaabka loo qoray warqadda kasoo baxday Somalia oo la mariyey isla qaabkii ay u qornayd middii Kenya oo ah hannaanka loo yaqaan “Note Verbale”, oo la adeegsado marka ay dowladuhu si rasmi ah u xiriirayaan, iyadoo la raacayo wadiiqo iyo hab-raac degsan oo si aan caadi ahayn maamuuskiisa iyo bandhiggiisa loo dhowro.

Dowladda Kenya ayaan sida muuqda iibsanin xiriir soo celintii uu shaaciyey Wasiir Xigeenka Warfaafinta DF Somalia, Cabdiraxmaan Al-Cadaalada, oo 6-dii Maajo ku dhawaaqay in xiriirkii labada dal lasoo celiyey, kaasoo isagoo aan lahayn dokumenti rasmi ah ay misna isla DF ka daba gaysey war sheegayey in aan la fasixi doonin Jaadka Kenya, taasoo loo badinayo inay ahayd sababta Kenya oo awalba saluug qabtey ay si hal-haleel ah u xirato hawadeeda.

Hadalsame Media