Kaddib furitaanka duullimaadyada, Kenya oo qofka rakaabka ah ee Somalia ka doonaysa 3 shuruudood

0

(Nairobi) 10 Juun 2021 – Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u shaacisay inay dib u furtay wadiiqooyin cireedka Somalia iyo Kenya oo ay horay u xirtey.

Qoraal kasoo baxay Wasaarad Dibadeedka Kenya ayaa loogu mahad celiyey dhiggeeda DF Somalia oo ay sheegtay in wada hadal dhex maray labada wasaaradood uu keenay in dib loo furo duullimaadyadii xayirnaa.

Haddaba, waxaa jira shuruudo laga doonayo qofkii u safraya Kenya ee ka imanaya dhanka Somalia, kuwaasoo ka kooban 3 shuruudood:

1 – Qofku waa inuu sitaa shahaadoo diidooley ah oo ah PCR sheegaysa in aanu qofku qabin cudurka Covid-19 oo la qaaday 96 saacadood safarka kahor.

2 – Dhamaanba carruurta ka yar da’da 5-sanadood waa laga dhaafay iyaga tijaabada PCR.

3 – Qof kasta waxaa laga doonayaa inuu si online ah u buuxiyo form caafimaad kaasoo uu soo gudbinayo kahor inta aanu soo safrin.

Kenya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay bog cusub oo xiriir wanaagsan ah la furto Wasaarad Dibadeedka iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia.

Hadalsame Media