ARRINTA ERITREA: Mid maanta ka hoos baxday & mid hadda la gudboon DF, mid ka wareersan mucaaradka & midda u eg mujtamaca Soomaaliyeed

0
MOGADISHU, SOMALIA - NOVEMBER 28: Newly graduated Somalian soldiers display their skills at the graduation ceremony after receiving training period from Turkish military training academy, Somali Turkish Task Force Command, in Mogadishu, Somalia on November 28, 2019. Newly graduate 363 Somalian soldiers took their diplomas. (Photo by Sadak Mohamed/Anadolu Agency via Getty Images)

(Muqdisho) 10 Juun 2021 – DF ee Somalia iyo dhiggeeda Itoobiya labaduba waa dafireen in ay ciidamo Somalia u dhashay ay ka qayb galeen kuna dhinteen dagaalka Tigraay, yeelkeede, arrintu halkaa waa ku hakan la’dahay, oo jawaabaha ay bixinayaan ma aha kuwo wax qancinaya waloow aysan arrinta si fiican weli uga hadlin.

Wasiirka Warfaafinta DF Somalia, Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa noqday sarkaalkii ugu horreeyey ee ka tirsan dowladda oo si rasmi uga hadla xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaasoo uu wacaalkooda muran badani ka taagan yahay.

“Ciidamadu waa caafimaad qabaan waana inoo soo socdaan oo waa in innoo iimanayaan marka ay yimaadaan waxaan u maleynayaa in haddana la yiraahdo maxay u yimaadeen?” ayuu si kaftan ah isu waydiiyey Wasiirku.

Dubbe ayaa intaa raaciyey in tababarka ciidamadani uu haatan marayo meel gebagabo ah isagoo ku baaqay in aan la siyaasadaynin arrimaha ciidamadan oo uu ku sheegay ”sii qaran.”

“Tababarka ciidamadu waa sir qaran, siyaasiyiinta dunidana kama hadlaan tababarrada ciidanka, ciidamo dalkooda u maqan oo tababarkooda u dhammaaday oo gebogabo yahay ayaa mar walbo laga hadlayaa, si shacabka Soomaaliyeed looga jeediyo xasuuqa cadowga uu ka wado Gedo.” ayuu ku dooday Wasiir Dubbe oo dareenka u weecinaya dhanka Gedo.

Yeelkeede, waxaa warka wasiirka ka muuqata in aanu ku fikirin oo ay ka hoostay inaysan dadku ku qanci doonin jawaabihiisa sadxiga ah, maadaama uu arrinta askarta Eritrea loo qaaday ee wacaalkooda lagu muransan yahay uu ku xirayo weerarradii maalin dhowayd lagu qaaday degaanno Geddo ka tirsan kuwaas oo ay Kenya gaysatey.

Waa run in mucaaradka lagu dhaliilo inaysan isku si uga hadlin arrimaha dalalka dibedda ah, iyagoo 99% ka gaabsada arrimaha dalalka qaar sida Imaaraadka, Kenya iwm, taasoo ah arrin khalad ah, balse sidaas oo ay tahay dowladdu arrinta Eritrea kuma xiri karto weerarrada Gedo waayo marna waa 2 dhacdo oo kala horreeya, marna waa 2 arrimood oo aysan daruuri ahayn in la iskugu xiro qaabka ”xagaba sidaas ayaa ka dhacday” oo ah muran isku bixis ah (whataboutism) aan nuxur badnayn.

Midda la gudbooni waxay tahay mar aad usii horreeyseyna ay ahayd inay saaraan guddi gaar ah oo la xaala arrintan oo wacaal siiya guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan waalidiinta iyo ehelada askarta maqan oo ay xaq tahay in xogohooda la helo aamus iyo indhacaddayna aanu dawayn doonin.

Waa in la sameeyaa khad gaar ah (hot line) ay dadkaasi kala xiriiraan ciddii ay khuseeyso oo ka tirsan DF ee dalka, waxaa sidoo kale aad u wanaagsan in MW Farmaajo uu arrintan ka hadlo oo iska daayo is qaafinta iyo sahashada arrimaha xasaasiga oo ahaa waxa keenay inay dad badani nacaan nidaamkiisa iyo qaababka uu u arko in wax loo maamulo, taasoo ka muuqanaysey war uu hadda kahor yiri afhayeenkiisa oo ahayd ”In aan loo baahnayn inuu madaxwaynuhu ka hadlo wax kasta.”

Midda mucaaradka ka wareersani waxay tahay, in ay arrintan yool siyaasadeed ka raadiyaan oo iyaga oo aan shacab dan ka lahayn ay ilmo yaxaan u qubaan damqasho dhowaangal ahna soo bandhigaan, waayo arrintani waa ka qara wayn tahay wax laga dhex raadiyo hadaf siyaasadeed oo gole ka fuul ah.

Midda noo eg, waxaa se waajib ah in sharciga dalka lala tiigsado qofkii lagu helo inay heshiis mugdi ah kaligeed gashay kaddibna ay ciidamadan u dirtay dalka Eritrea si ay uga qayb galaan dagaal aan ahayn mid Soomaaliyeed, weliba marka la eego duruufaha amaan ee dalkeenna oo ah mid isagiiba u baahan faragelin shisheeye iyo ciidamo qalaad oo amaankiisa suga, waa maangaabnimo istaraatiji ah in uu askari Soomaaliyeed ku dhinto dagaal mindhicireed u dhexeeya dal kale, isagoon xal u haynin midka dalkiisa ka qaacaya.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media