”Marka ay ciidamadu Eritrea kasoo noqdaan haddana yaan la dhihin maxaa loo keenay!” – Wasiir Dubbe

0

(Muqdisho) 10 Juun 2021 – Wasiirka Warfaafinta DF Somalia, Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa noqday sarkaalkii ugu horreeyey ee ka tirsan dowladda oo si rasmi uga hadla xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaasoo uu wacaalkooda muran badani ka taagan yahay.

Dubbe ayaa gebi ahaanba beeniyey in askarta Somalia ee halkaa dhibbowga loo geeyey ay ka qayb galeen dagaalkii ka dhacay woqooyiga Itoobiya, gaar ahaan Gobolka Tigraay, isagoo sheegay inay dhowaan imanayaan iyaga oo bed qaba.

“Ciidamadu waa caafimaad qabaan waana inoo soo socdaan oo waa in innoo iimanayaan marka ay yimaadaan waxaan u maleynayaa in haddana la yiraahdo maxay u yimaadeen?” ayuu si kaftan ah isu waydiiyey Wasiirku.

Dubbe ayaa intaa raaciyey in tababarka ciidamadani uu haatan marayo meel gebagabo ah isagoo ku baaqay in aan la siyaasadaynin arrimaha ciidamadan oo uu ku sheegay ”sii qaran.”

“Tababarka ciidamadu waa sir qaran, siyaasiyiinta dunidana kama hadlaan tababarrada ciidanka, ciidamo dalkooda u maqan oo tababarkooda u dhammaaday oo gebogabo yahay ayaa mar walbo laga hadlayaa, si shacabka Soomaaliyeed looga jeediyo xasuuqa cadowga uu ka wado Gedo.” ayuu ku dooday Wasiir Dubbe oo dareenka u weecinaya dhanka Gedo.

Warkan DF ayaa ka dambeeyey kaddib markii ay maanta Muqdisho ka dhaceen dibedbaxyo nabdoon oo lagu dalbanayey wacaalka wiilasha tababarka loo qaaday, kaasoo isna yimid kaddib warbixintii QM.

Hadalsame Media