DEG DEG: Dowladda Kenya oo dib u furtay duullimaadyadii isku xirayey Somalia-Kenya

0

(Nairobi) 10 Juun 2021 – Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u shaacisay inay dib u furtay wadiiqooyin cireedka Somalia iyo Kenya oo ay horay u xirtey.

Qoraal kasoo baxay Wasaarad Dibadeedka Kenya ayaa loogu mahad celiyey dhiggeeda DF Somalia oo ay sheegtay in wada hadal dhex maray labada wasaaradood uu keenay in dib loo furo duullimaadyadii xayirnaa.

”Tillaabadani waa mid samaddoon ah oo lagu rajaynayo in sidoo kale si buuxda loo wanaajiyo xiriirka labada dal oo ay ku jiraan diblomaasiyadda, ganacsiga iyo isu socodka dadka oo galay ciriiri aan xaq ahayn,” ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka Kenya oo lagu xusay in dadka Kenya ay saaxiib joogta la yihiin Somalia oo ay u rabaan barwaaqo iyo baraare.

Sida ku cad War Saxaafadeedka waxaa jirey wada hadallo dhexmaray DF Somalia iyo Kenya kuwaasoo looga hadlay sidii arrintan loo xallin lahaa, iyadoo ay labada dal dano badani iskaga xiran yihiin caadiyan, waloow ay jiraan waxyaabo badan oo la isku mari la’yahay sida doodda Kenya ee biyaha Somalia.

Hadalsame Media