”Muqdisho & Nairobi hadda waxaa loo kala socdaa 12 saacadood!” – War maka haysaa dhibka la marayo?!

0

(Nairobi) 10 Juun 2021 – Dowladda Kenya ayaa xirtey duullimaadkii tooska ahaa ee isku xirayey Somalia-Kenya kaddib markii ay DF Somalia soo saartay laba hadal oo ay midna ku sheegtay inay xiriirkii soo celisey midna ay ku diiddey in dib loo furo Jaadka Kenya ka yimaada.

Arrinta duullimaadyada la xirey ayaa waxay dhibaato ba’ani kasoo gaartey dadka shacabka ah oo ay dani badani uga kala xiran yihiin labada dal ee Kenya iyo Somalia, taasoo keentay in uu qofku rafaad ku maro u kala gooshidda labada dal.

Waxaa qofka ku kordhaya waqtiga isagoo tusaale ahaan Nairobi iyo Muqdisho u kala soconaya inta loo kala socdo Yurub iyo Afrikada Bari, sidoo kale waxaa ka baxaya kharash 3 jeer ka badan midkii hore.

”Horaa waxaa loo yiri labo Maroodi meeshay ku dagaasho cows ayaa ku baaba’aayo, Moqdisho iyo Nairobi oo hal saac iyo xoogaa haddii ay u badato loo soo safri jiray, maanta waxaan marqaati ka ahay rafaadka wareega la soo maaraayo, waa labo saac usiisoco Nairobi to Addis labo saac kalana u sii soco Addis to Mogadisho, iyo 8-saacadood oo cabbaar-fur ah (Transit),” ayay tiri Weriye Farxiyo Khayrto oo safarka gashay maanta.

”Isku dar 12-saacadood oo waqti lumis ah, daal iyo labo jibaar iyo haaf lacagtii hore. Kaaga sii darane dad iga sii dambeeyana caawa garoonta ayaayba ku hooyanayaan oo bari ayay safri doonaan.” ayay raacisay.

Hadalsame Media