RW Rooble iyo RW hore Khayrre oo yeeshay shir ay albaabbadu u xiran yihiin

0

(Muqdisho) 03 Juun 2021 – Waxaa kulan gaar ah oo ay albaabadu u xirnaayeen yeeshay RW Maxamed Xuseen Rooble iyo RW hore ee dalka Xasan Cali Khayrre.

Labada nin ayaan si dhab ah loo ogayn wixii ay ka wada hadleen iyo waxa ay ku heshiiyeen.

Yeelkeede, markii ay shirka kasoo bexeen waxay dadwaynaha u sheegeen inay ka wada hadleen umuuraha doorashooyinka.

“Waxay noo sheegeen inay ka wada hadleen in doorashooyinku, sidii lagu heshiiyeyba, ay ku dhacaan jawi xor ah oo faragelin iyo fadqalallo ka caaggan.” Ayuu Hadalsame ku yiri Cabdulqaadir Nadaara oo ka mid ah ololaha Khayrre.

Khayrre ayaa ka mid ah Madasha Midowga Musharrixiinta isagoo ku jira ragga cad cad ee u tartamaya xilka Madaxwaynaha dalka.

Hadalsame Media