Kalluumaysato nibiri soo caariyey ka helay cambar qaali ah meel Somalia u dhow (Halkee ka yimaadaa cambarku maxaase loo isticmaalaa?)

0

(Cadan) 03 Juun 2021 – Nolosha 35 kalluumayste oo Yamani ah ayaa mar qura is rogtey kaddib markii ay cambar ka heleen raqda nibiri soo caariyey oo sabbaynaya Gacanka Cadmeed, sida lagu qoray Newsweek.

Waxaa la sheegay in cambarka ay heleen uu u gooyey lacag dhan $1.5 milyan oo doollar, sida ay BBC sidoo kale werisey.

Cambarka ayaa waxaa soo saara mindhicirrada isagoo ah walax xabag oo kale ah balse adag, isagoo 5% uun ka ah raqda nibiriga. Cambarka ayaa marka laga soo tago in laga helo gudaha cambarka waxaa sidoo kale laga helaa isagoo uu dhigay oo badda sabbaynaya ama kusoo caariyey xeebaha dhow, waxaana uu leeyahay faa’iidooyin dhowr ah oo ay ugu waawayn yihiin in laga sameeyo dawooyin, barfuum iyo sidoo kale walxaha kordhiya bandhigga sariirta.

“Isla markii aannu meesha usoo dhowaanney waxaan aragnay ur ba’an, waxaana dareennay in nibirigu uu wax qarinayo. Waxaan go’aansannay inaan bannaanka usoo bixinno oo aan ubucdiisa jeexno. Haa, waxaan ka dhex helnay cambar,” ayuu yiri mid ka mid ah kalluumaysatada.

Kalluumaysatadan ayaa wadaagey $1.5 milyan oo doollar iyagoo sidoo kale lacagta wax ka siiyey dadkii kusoo baxay ee caawiyey. Qaar baa guryo, doonyo iyo gawaari ka iibsadey, halka uu midkood sheegay inuu ku guursanayo kharashka uu qaybta u helay.

Maalintii xigtey ayaa la sheegay inay sidii caadiga ahayd shaqo tageen.

Hadalsame Media