Damul Jadiid iyo Nabad & Nolol waxay lahaayeen astaamo looga baahan yahay siyaasadda Somalia balse waxay yeesheen IIMO isku nooc ah!

0

(Hadalsame) 03 Juun 2021 – Somalia ayaa waxaa haatan ka soconaya ololaha doorashada, taasoo ay u ordayaan rag badani u kala ordayaan kursiga sare ee dalka Somalia oo ah dal ku mashquulka doorashadu ay xitaa ka muhiimsan tahay waxqabadka laga doonayo qofka xilka doonaya.

Somalia ma aha dal weli leh hay’aad siyaasadeed oo fadhiya sida xisbiyo, macaahid daraasadeed, wasaarado micne leh iwm, sidaa daraadeed, siyaasadduna inta badan ma fadhido oo maadaama aanu jirin qaab-dhismeedkii dabiiciga ahaa ee uu siyaasiga laoso jarribay kusoo bixi lahaa, waxaa sanad kasta furaha loo dhibaa nin iska socda iyo faras madoobe ay dadka iyo isaguba wax bartaan isna bartaan uun inta uu xilka hayo.

DAMUL JADIID IYO NABAD & NOLOL

Maadaama aanu dalku lahayn hay’aad siyaasadeed sida aannu soo sheegnay, waxay labadan kooxi dadka bilowgii siiyeen dareen ah in ugu dambayn la helay koox is wadata isna fahamsan oo keeni doonta mashruuc siyaasadeed oo dalka horay u dhigta.

Waxaa labadan kooxood laga dhadhaminayey inay leeyihiin tayooyin u saamaxaya inay ku taaq taaqaan siyaasadda dalka; waxay ka kooban yihiin reero kala duwan, taasoo seexin karta qofkii qof qabiilkiisa ah eeganayey, waxay u muuqdaan dad ajende fog leh, midaysan, is dhaarsaday iyo tan ugu dambaysa oo ah inay ugu yaraan wataan magacyo qurux badan. Waa astaamo loo riyaaqi karo oo meelaha qaar iskaga mid ah, waloow ay meelo badan aad ugu kala duwan yihiin, taasoo laga garan karo hababkooda maamul.

Yeelkeede, waxay yeesheen iimo isku nooc ah ilaa xad, taasoo ah in uu damac gaar ihi ka leexiyey wixii ay falo lahaayeenba.

Damul Jadiid ayaa markii ay xilka qabatay waxaa ku bilaabmay furfuran in saaxada bannaanka laga dhigo rag horay uga mid ahaa kooxda, waxaa sidoo kale koobmay hankoodii oo ku eekaaday kursi iyo kaash, taasoo dishey rajo kasta oo laga qabey inay noqdaan badbaadiyeyaashii loo baahnaa.

Kooxdii ka dambaysey ee Nabad & Nolol oo qabbabac iyo shahiidnimo fara badan umadda lasoo gashay, waxyaabo badanina bilowgii u hagaageen ayaa iyaduna markii dambe ku kuftay halkii lagu kufi jirey oo ah kursi jacayl kala irdheeyey labadii kaabbe ee kabiirrada u ahaa, waxaysan sidoo kale ka dhaaran karin musuq iyo nin tooxsi.

Sidaa darteed, labada kooxiba waxay lahaayeen astaan loo baahnaa oo ah inay koox yihiin, balse waxay kasi waayeen sidii ay ugu kaltami lahaayeen kursiga oo aan ahayn muhiimadda koowaad marka la kabayo dal kufay ee misna kacaya sida Somalia.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media