”Orod dhar soo xiro!” – Tanzania oo ay ka taagan tahay dood ka dhalatay Xildhibaanad ”lebbis xumo” lagaga cayriyey Baarlamanka dalkaasi

0

(Dodoma) 03 Juun 2021 – Waxaa taagan muran kaddib markii ay Xildhibaannada dumarka ah ee ku jira baarlamaanka dalka Tanzania ay codsadeen in raalligelin buuxda laga siiyo xildhibaanad laga saaray fadhigii baarlamaanka dalkaasi kaddib markii usoo lebbisatey ”si aan haboonayn”, sida lagu eedeeyey.

Nin xildhibaan ah ayaa xilli uu Baarlanaku kalfadhi ahaa wuxuu dood ka keenay qaabka ay dumarka qaarkood u soo lebbistaan kaasoo uu sheegay inuu marka dambe keenayo in ”maad laga dhigto.”

“Mudane guddoomiye, tusaale ahaan dhankeyga midig waxaa fadhida walaashey oo xiran shaar jaalle ah. Bal eeg surwaalka ay xiran tahay mudane guddoomiye,” ayuu yiri xildhibaankan oo lagu magacaabo Xuseen Amaar xilli uu ka hadlayey fadhigii Baarlamanka.

Deeto, Guddoonka Baarlamaanka ayaan jawaabtaba la daahin isagoo markiiba ku amray Xildhibaanadda la saaray oo la yiraahdo, Condester Sichwale, in ay iskaga baxdo Baarlamaanka.

“Bax oo si wanaagsan u soo lebbiso, markaa kaddib nagu soo laabo,” ayuu yiri Guddoomiye Job Ndugai oo la hadlaya Condester, isagoo weliba nidaaminta Baarlamanka kula dardaarmay inaysan soo daynin qofkii u lebbisan ”si aan habboonayn.”

Haatan koox xildhibaanno haween ah oo isbahaysanaya ayna horkacayaan Xildhibaanno ay ka mid yihiin Jacqueline Ngonyani iyo Stella Manyanya ayaa arrintaa dood ka keenay iyagoo sheegay in aanay jirin wax ka khaldanaa lebbiskii Sichwale oo ay dareensan yihiin in lagula kacay bahdil iyo cadaalad darro.

Baraha bulshada Tanzani ayaa waxaa sidoo kale ka soconaya doodo kala duwan oo ay qaar fikirka cayrinta Xildhibaanadda u guuxayaan, halka ay qaar ku doodayaan in ay muujinayso inay raggu haweenka u yeerinayaan sidii ay u dhaqmi lahaayeen ama u lebbisan lahaayeen.

Hadalsame Media