”Somalia waa inaan la yeelannaa xiriir qoto dheer!” – Danjirihii Shiinaha oo ballan qaaday inuu hal arrin samayn doono marka uu Soomaali dalkiisa ku arko

0

(Beijing) 02 Juun 2021 – Danjirihii hore ee Shiinaha u fadhiyey Somalia, Jian Qin, oo Somalia ka tegey 25-kii bishii hore ee Maajo ayaa weli wuxuu amaan u jeedinayaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

”Waxaan qabaa inaan saaxiibbada Somalia kula kulmi karo jidadka iyo meel kasta. Waxaan u sheegi doonaa qoyskayga, qaraabada, iyo asxaabta in Somalia ay tahay dal qurxoon oo saaxiib nala ah, dad dedaal badan iyo xikmad miiran ah, dal taariikh fog iyo dhaqan leh,” ayuu Twitter kusoo qoray.

Danjiraha ayaa soo jeediyey in la xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somalia iyo Shiinaha, si buu yiri ay uga faa’iidaystaan labada dal.

”Ergay saaxiib ah ahaan, waxaan waqti cajiib ah ku qaatay Somalia. Waxaan si qoto dheer u dareemayaa inay taasi ahayd hantida noloshayda. Waxaan Beijing kula noqonayaa Somalia iyo saaxiibtinnimada wanaagsan ee dadka Soomaaliyeed.” ayuu daba dhigay Mr Qin oo hadlayey isagoo dalkiisa ku sugan.

Hadalsame Media