Macluumaad muhim ah oo ku saabsan magacyada & maqaamka goobjoogayaasha caalamiga ah ee ku sugan Somaliland

0

(Hargaysa) 02 Juun 2021 – Goob joogayaal caalami ah oo isugu jira madaxweynayaal hore, siyaasiyiin, wariyeyaal iyo shaqsiyaad caalami ah ayaa goob joog ka ah doorashada maanta ka billaabatay Somaliland.

Goob joogayaashan oo ka socday dhowr iyo toban dal waxaa horkacayey Agaasimaha Guud ee hay’adda Bernthurst Foundation Dr Greg Mills, iyada oo goob joogayaashaasi uu ka mid yahay madaxweynihi hore ee Sierra Leone Ernest Bai Koroma.

Sida uu shaaciyay gudiga doorashada, waxaa doorashada golaha wakiillada iyo golaha deegaannada codkooda ka dhiibanaya codbixiyeyaal ka badan 1 malyan.

Guddiga doorashooyinka Somaliland wuxuu sheegay doorashada ka dhaceyso kuraasta 23 goob doorasho ay ku loollamayaan seddexda xisbi ee ugu waaweyn oo Somaliland ka jirta.

.

Haddaba waxaan eegeynaa qaar ka mid ah goob joogayaashaasi caalamiga ah:

1. Dr Greg Mills

Dr Greg Mills, oo hoggaaminaya goobjoogayaasha caalamiga ee doorashada Somaliland wuxuu agaasime guud uu ka yahay hay’adda Brenthurst Foundation uu fadhigeedu yahay magalaada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Shahaadada koobaad ee BA wuxuu ka qaatay Jamacadda Cape Town, halka shahaadada labaad ee MA iyo Shahaadada seddexaad ee PHD uu ka qaatay jaamacadaha West Cape iyo Cape Town intii u dhaxeysay 1990-1994.

Xafiiska Afhayeenka JSL
Agaasimaha Guud ee hay’adda Brenthurst Foundation oo goob joogayaasha hoggaaminaya oo hadal Jeedinaya
 

1994 iyo 1996 wuxuu ahaa agaasimaha machadka arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika, inti u dhaxeysay 1996-2005 isaga oo machadkaasi ka noqday Agaasimaha guud ee heer Qaran.

2008 wuxuu la taliyaha arrimaha Istiraatiijiyadda uu u noqday madaxweynaha Ruwanda. 2007-12 wuxuu xoghayaha uu u noqday golaha latalinta caalamiga ee madaxweynaha Mozambique, 2012-14-tina wuxuu noqday guddoomiyaha guddiga horumarka kala taliya madaxweynaha Malawi. 2006-2012 wuxuu shaqooyin kala duwan uu ka soo qabtay magaalada Kabul ee dalka Afghanistaan.

Dr Mills wargeysyo caalami ah iyo kuwa ugu caansan Koonfur Afrika wuxuu ku daabacay daraasaad ballaadhan oo uu sameeyey oo la xiriira arrimaha caalamiga, amniga iyo dhaqaalaha. 2010-kina wuxuu qoray buugga caanka ee sida weyna loo iibsaday ee uu ugu magac daray Africa maxay sabool u tahay, Afrikaankuna maxay ka qaban karaan (Why Africa is Poor – and what Africans can do about it).

Inti u dhaxeysay 2014-15 wuxuu maareyey ka noqday mashruuc weyn oo ku saabsan dhaqaalaha Koonfur Afrika isagoo la kaashanaya Dr Herbst. Dr Mills wuxuu bixiyey in ka badan 300 oo wareysi oo caalami ah.

2. Ernest Bai Koroma

Ernest Bai Koroma wuxuu Sierra Leone madaxweyne uu ka soo noqday inti u dhaxeysay September 2007 iyo April 2018.

Markii la doortay wuxuu talada uu ka tuuray xisbiga talada dalka Sierra Leone hayey ee People’s Party (SLPP), balse SLPP ayaa awooddiisa soo ceshtay sanadkii 2018 waxaana xilka kaga dambeeyey Julius Maada Bio.

Madaxweynihi hore ee Sierra Leone Ernest Bai Koroma

Inta uusan siyaasadda ku biirinna muddo 24 sano ah wuxuu ka soo shaqeynayey arrimaha caymiska. Inti u dhaxeysay 1988-2002 wuxuu maamule uu ka noqday shirkadda caymiska ee Reliance Insurance Trust Corporation.

2002-dii marka uu iisu soo taagay musharraxa madaxweyne ayaa loo doortay guddoomiyaha xisbiga APC, isaga oo doorashada kaga adkaaday madaxweynihi xilka hayey Tejan Kabbah.

Koroma wuxuu noqday hoggaamiyaha xildhibaannada laga tirada badan yahay ilaa uu 2007-dii uu doorashada ku guuleystay . Koroma waxaa markii labaadna madaxweynanima looga doortay bishii November 2012-kii.

2. Dr. Kizza Besigye

Dr Kizza Besigye waa hoggaamiye siyaasadeed oo mucaarad ka ah dalka Uganda isaga oo horay u soo noqday musharrax madaxweyne.

Kizza oo horay u soo ahaa dhakhtarka gaarka ah ee madaxweyne Yoweri Musevini ayaa madaxweynaha ku tilmaamay inuu yahay keligii taliye.

Hoggaamiyihii hore ee mucaaradka ee dalka Ugandha, Dr. Kizza Besigye

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Warren Kizza Besigye Kifefe oo loo yaqaanna Colonel, 22-kii April 1956-kii wuxuu ku dhashay Rwakabengo, oo ka tirsan degmada Rukungiri ee ku taalla Koonfurta galbeed ee Uganda.

Waxaana loo yaqaanna inuu yahay xirfadle caafimaad, siyaasi, isla-markaana nin horay u soo ahaa sargaal militari oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dalka Uganda.

Dugsiga hoose wuxuu ku bartay dugsiga hoose ee Kinyasano, halka dugsiga dhexena uu ku soo bartay dugsiga Mabarara, dugsi sarana uu ku soo qaatay dugsiga sare ee Kigezi.

Besigye jaamacadda Makerer wuxuu ku biiray sanadkii 1975-kii wuxuu sanadki 1980-kii uu ku qalin jabiyey cilmiga dhakhtarka caafimaad. Inti ay duurka ku jireenna wuxuu noqday dhakhtarka gaarka ah ee madaxweyne Yuweri Musevini. Jabhadda NRA iyo ciidanku ay taada dalkaasi la wareegeen sanaddi 1986-kii isaga oo 29 jir ah waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha.

Waxyar kaddibna wuxuu noqday wasiirka madaxtooyada xafiiska madaxweynaha ahna madaxa siyaasadda qaran ee dalkaasi. 1991-kiina wuxuu noqday taliyaha saldhigga ciidanka xerada ay ku leeyhiin Masaka oo ku taalla bartamaha dalka Uganda, 1993-kina waxaa loo magacaabay madaxa saanadda ee ciidamada qalabka sida ee dalkaasi.

7-dii July 1999, Besigye wuxuu xaafadda Nsambya ee magaalada Kampala uu ku guursaday Winnie Byanyima oo ka tirsaneyd baarlamaanka dalkaasi.

2001-dii ayuu dalka Uganda ka cararay marki doorashada uu uga guuleystay Musevini, 2005-ti ayuuna Uganda ku soo noqday.

2011, ayuu marka kale madaxweynanimo iisu soo sharraxay balse marka kale ayuu ku guul darreystay. 2016-kina wuxuu marki afaraad uu iisu sharraxay madaxweynanimo marki afaraad ayaana laga guuleystay.

Goob joogayaasha caalamiga ah ayaa ka kala socdo waddamada UK, Canada, South Africa, Ghana, Uganda, Zambia, Kenya, Liberia, Tanzania, Zimbabwe, Namibia, Sierra Leone iyo Mozambique.

Xigasho: BBC

Hadalsame Media